Nin xaaskiisa dilay ka dib markii baaritaanka DNA uu ku ogaaday inuusan ahayn aabbaha dhabta ah ee wiilkooda

18-:July-2023- BBC

Dhacdo naxdin leh ayaa ka dhacday degmada Mpigi ee dalka Uganda, iyadoo nin u dhashay Israa’iil oo lagu magacaabo Waeed Taheed uu dilay xaaskiisa oo la yirahdo Monica Nabukenya oo u dhalatay dalka Uganda, kaddib markii natiijo aan wanaagsanayn laga helay baaritaan hidde-side oo lagu sameeyay ilmahooda oo 6 bilood jir ah.

Kiiska ayaa waxaa uu soo shaac baxay ka dib markii Taheed uu booliska ku wargeliyay maqnaanshaha xaaskiisa Nabukenya. Hase yeeshee, baaritaannadii xigay ayaa booliska u horseeday natiijo naxdin leh kadib markii meydka Nabukenya laga helay gudaha haan oo qayb ahaan lagu daboolay carro, sida laga soo xigtay warbaahinta Daily Moniter e

Dhacdadani ayaa waxay iftiiminaysaa calaaqaadka cakiran, tuhunka, iyo cawaaqib xumada ka dhalan karta isku dhacyada aan la xallin.

Maqnaanshaha iyo tuhunka

Silsiladda arrimahan ayaa soo bilowday kadib markii Waciid Taheed uu booliska uga warbixiyey waayida xaaskiisa July 16, 2023. Taheed ayaa la sheegay in uu shaki ka qabay xaaskiisa, taasoo keentay in xiriirkooda uu sii xumaado.

Natiijooyinka baaritaanka hidda-sidaha ee xaaladda sii cakiray

DNA

Isagoo isku dayaya inuu wax ka qabto shakiga laga qabo waalidnimada ubadka, Waciid Taheed wuxuu ilmaha yar u qaaday goob lagu baaro Hidda Sidaha.

Nasiib darro, natiijadii baaritaanka ayaa waxay noqotay mid aan muujinayn in Taheed uu yahay aabbaha dhalay ilmaha. Taas ayaana xaaladda uga sii dartay.

Natiijadii baaritaanka DNA-da waxay u muuqatay inay noqotey mid horseed u noqota dhacdooyin naxdin leh.

Helitaanka meydka iyo qirashada Taheed

壯陽藥 >Intii ay booliisku wadeen baadhista ayaa Taheed su’aalo la weydiiyey, taasoo keentay inay gurigiisa ku soo booqdaan. Markii ay guriga soo gaareen ayaa waxay dareemeen ur aan caadi ahayn oo ka soo baxday guriga, taasoo sare u qaadday shakigii booliska.

Kadib baaritaan dheeri ah oo ay booliska sameeyeen ayaa waxaa uu u horseeday haanta uu u uku jiray meyda Monica Nabukenya oo qurmay. Qeyb ka mid ah haanta ayaa waxaa lagu daboolay carro taasoo muujinaysa isku day lagu qarinayay goobta.

Markii su’aalo dheeraad ah la sii weydiiyay, Taheed wuxuu qirtay inuu dilay xaaskiisa isagoo ka jawaabaya natiijada baaritaanka DNA-da ee aanu ku farxin.

Fal-dembiyeedka foosha xun ee dhacay ayaa argagax galiyay bulshada deegaanka, waxaana ay dhaliyeen cambaareyn ballaaran.

Xiriirka xumaaday iyo dacwadaha furriinka

DNA

Richard Ddumba, guddoomiyaha tuulada Kalagala ee golaha deegaanka Kayabwe, ayaa iftiimiyay xiriirka xumaaday ee lamaanaha. Waxa uu daaha ka qaaday in Taheed uu afar bilood ka hor la soo xiriiray, isaga oo u sheegay inuu doonayo inuu furo xaaskiisa sababo la xiriira tuhunka isa soo tarayay ee ku xeeran aabbanimada ubadkooda. Ddumba ayaa sheegay sida uu uga naxay warkan, isagoo sheegay in ficilka Taheed uu yeeshay waji naxdin leh iyadoo wali dacwadii furiinka ay socoto.

Maxkamadda ayaan wali wax go’aan ah ka gaarin kiiska dilka ah ee uu Taheed u geystay xaaskiisa .

Dhacdadan naxdinta leh ee Waciid Taheed iyo Monica Nabukenya ayaa waxay muujineysaa cawaaqib xumada ka dhalan karta isku dhacyada aan la xallin iyo tuhunka ka dhex jira lammaanaha.

Natiijooyinka baaritaanka DNA-da ee ayaa u muuqda in ay kiciyeen jawaab celin gacan ka hadal ah oo ka timid Taheed, taas oo keentay in ay naftu waydo xaaskiisii Monica.

Bulshada deegaanka iyo maamulka ayaa la daalaa dhacaya dhibaatada fal-dembiyeedkan naxdinta leh, iyaga oo ku boorrinaya bulshada in ay wax ka qabtaan arrimahan oo kale oo ay horumariyaan xiriiro caafimaad qaba oo dhexmara lammaaneyaasha.