Ninkii dilay Maama Khadiija oo maanta xukun adag lagu riday

Ibraahim Aadan Maadeey Afgarashadiisuna tahay Cabdiraxmaan, ayaa Khawaarijta kaga biiray degmada Jillib ee Gobolka Jubbada dhexe, Tabbar gaaban oo dhinaca Dillalka Qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, Gaar ahaan Kooxda Dilalka Gaadmada ah fulisa, isaggoona mushaar ahaan kaga qaadan jiray Argagixisada Lacag u dhaxeysa Todobaatan iyo ilaa Sagaashan Dollar ka mareykanka ah.

Feejignaanta Dheeriga ah ee Ciidamada Aminga darteed Dhowr Shaqo oo la amray fulintooda ayaa fashil ku soo dhammaaday, hasa yeeshee Labada Bisha Koowaad ee sanadkaan marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo Afaafka hore ee gurigeeda si wal-wal la’aan ah kula sheekeesaneysay Gabadheeda, kaasi oo ku yaalla Degmadda Hodan Gaar ahaan Waaxda Kacaan ayaa Ibraahim Aadan Maadeey (Cabdiraxmaan) Isaggoo ka faa’iideysanaya naxariisteeda hooyanimmo ayuu ku dagay inuu u baahan yahay Biyo haaraad badanna u hayo, waxaase xigtay uu labo xabadood uu madaxa kaga dhuftay Marxuumad Maamo Khadiijo Siyaad Maxamed.