Ninkii Raba Barri In uu Wax Hogaamiyo Maanta Ha Ogolaado In La Hogaamiyo (Warbixin)

Caayda shaqsiga ah, Beenta iyo Hanjabaada ka timaada Siyaaasiga Mucaaradka ah ma noqoto wax dhaafsiisan in looga maadsado baraha bulshada.

Dowlada Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajaheeysa dhaleeceeyn la xiriirta qorshaha doorasho qof iyo cod ah oo uu dalku aado.

Dhaleeceeynta ayaa ka imaaneysa hogaamiyaal laf,ahaantooda noo sheegay inay hirgalinayaan gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah

Isku dayayga arintan ayay ku dhaqaaqday dowladii hore xili uu dalku ku jiray xaalad aad uga sii liidata nabdoonaanta maanta la heysto

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay 2021-dii in uu qabanayo doorasho qof iyo cod ah iyadoo argagixisada Alshabaab ay dakada Muqdisho canshuur ka qaadeeyso, kadibna isku dayay Mudo kororsi dhiig ku daatay

Xildhibaanka ka soo dhaxbaxay kacdoonkii Maxkamadaha Islaamiga ee shariif Sheekh Axmed ayaa hanjabaad u jeediyay Farmaajo oo xiligaas ku dhex jiray mudo-xilleedkiisii, waxayna taasi u soo jiiday In Shariifku ay dhibco kaga lumaan loolankiisii u danbeeyay

Daraasiin eedo ah oo loo jeedinayo dowlad dalka u kaxeeysay jihada horumarka ayaa Iska soo dabadhacaya maalinba maalinta ka danbeeysa xili loo baahnaa in mucaarad iyo muxaafid Soomaalidu ay u midoowdo ka hortaga damaca ku darsiga ee dariska

Dadka qaar ayaa isweeydiinaya M/weynihii hore ee Soomaaliya Shariif shiikh axmed oo noqday Ninka ugu saameeynta badan ee eedahaasi ay ka imaanayaan ma noqon karaa hogaamiye ka rajo badan siyaasiinta kale ee ay mucaaradka isla yihiin mise isaga ayaaba looga faa,iideeysanayaa in laga dhigto cagafcagaf laysaga wareejiyo caqabadaha yaal wadada loo maro madaxtinimada ?

Tan iyo wixii ka danbeeyay kulankii Istanbul ee Shariifku uu la yeeshay Fahad yaasiin oo sheegay inay kala furteen Farmaajo waxaa soo xoogeysanayay xog la xiriirinaysa Shariifk in uu heysto taageerada milkiilihii dowladii hore Inkastoo aan la hubin in Qatar ay qeyb ka tahay qorshaha riixitaanka soo laabasho uu sameeyo Sheekh Shariif.

Sikastaba ha ahaatee talaabooyinka taxdar la,aanta ah iyo hadalada aan laga firsan ee siyaasiinta mucaaradka qaarkood waxay dhalisaa inta badan inay lumiso oo kaliya ku kalsoonaanta xaqiiqada dhaliil jeedintooda, halka ay jiraan kuwa kale oo daaha gadaashiisa ku dhuumanaya oo aan ku dhiiran garin ku dhawaaqista hadalada xaqiiqada ka fog ee ku qotoma marinhabaabinta bulshada

By Elmi Osman Farah Boodhari

WQ Elmi Osman Farah Boodhari