Friday 10″ September ” 2021″ BBC somali
Hay’adda sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa xudun u noqotay khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.
NISA oo qaabilsan Sirdoonka dalka, waxaa xeerkii ay ku shaqeyn jirtay la bedelay sannadkii 2004-tii, xilligii shirkii dib u heshiisiinta Soomaalida uu ka socday dalka Kenya. Ka hor, xilligii dowladdii kacaanka waxaa jiray xeer kale oo lagu maamuli jiray.
“Agaasinka Nabadsugidda ma mid 犀利士 rayid ahaa oo hoostagaayo Wasaaradda Amniga, mise waa agaasin ciidan ah oo hoostagaayo taliska ciidanka ee madaxweynaha?” ayuu weydiiyay Abukaate Sakariye Yusuf oo wax ka qoray dastuurka Soomaaliya.
“Haddii sida caadinka ay tahay, waxaa la raacayaa xeer la yiraahdo lambar-14 oo ah mid uu jideeyay golihii kacaanka Sare ee 1970-kii, ee uu saxiixay Gudoomiyihii Golahaas”.
“Haddii la yiraahdo Wasiirka Amniga ayey hoostageysaa, waxaa la raacayaa heshiiskii lagu gaaray lagu gaaray Kenya ee lagu dhisay dowladdii 2004 ee Federaalka ahayd”, ayuu BBC Somali u sheegay Abukaate Sakariye.