28-December-2023

Heyadda NISA ayaa gacanta ku dhigtay gaadiid Iyo 8 Nin oo mid ka mida ah uu dhashay dalka Uganda kuwaas oo ku sii jeeday Argagixisada l-Shabaab
Ciidamada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay saddex gawaari ah oo ay ku raranyihiin Alaabo electronics u badan iyo dadkii watay.
Gawaarida ayaa lagu qabtay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose waxaa sidoo kale Ciidanku gacanta ku dhigeen 8 Ruux oo uu ku jiro Muwaadin u dhashay dalka Uganda.
Kooxdaan Ciidanka Sirdoonku gacanta ku dhigay ayaa ku sii jeeday goobaha Shabaab joogto waxaana lagu tuhunsan yahay in qalabka ay u wadeen kooxda si loogu adeegsado Shacabka Soomaaliyeed.

Ragga lasoo qabtay waxaa ku jira Muwaadin u dhashay dalka Uganda, sida lagu shaaciyay qoraalka kasoo baxay Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA
Ciidamada ammaana ayaa sidaan oo kale horay gacanta ugu dhigay rag loo waday Al-Shaabaab iyo qaar kamid ah xaasaskooda, kadib howlgallo ka dhacay Shabeelooyinka.
Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgallada lagu sugayo amniga caasimada ee ka socda Muqdisho iyo deegaanada kale ee u dhow dhow.
