Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa raadjoogta nin ay shaacisay sawirkiisa oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Ninkan oo magaca uu isticmaalo ay NISA ku sheegtay Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq ayaa wuxuu qaraxyo soo geliyay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
NISA ayaa shaacisay sawirka ninkaan iyo magaca uu isticmaalo oo aan aheyn kiisa rasmiga ah, sida lagu sheegay wargelin rasmi ah oo kasoo baxday hay’adda.
“NISA waxa ay ku raad joogtaa dhagar-qabaha sawirkiisu idiin muuqdo oo isticmaala magaca Cabdifitaax Xuseen Ibraahim Isaaq oo aan ahayn kiisa rasmiga ah, waxa uu ku eedeysan yahay in uu qaraxyo soo galiyay Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa shacabka Muqdisho iyo nawaaxigeeda ku nool ka codsatay inay kusoo wargeliyaan haddii ay helaan xog ku saabsan ninkaan.
“Haddaba muwaadin haddii aad heyso xogta dhagar-qabahan la wadaag Hay’adaha amniga si looga hortago dhagartiisa, sidoo kalana ku guuleyso abaalmarin,” ayaa lagu yiri qoraalka.
NISA ayaa horey usoo qabatay shabakado ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo qeyb ka ahaa amni darrada magaalada Muqdisho, oo haatan kasoo reysaneysa arbushaadoo argagixisada