NISA oo soo bandhigtay Al-Shabaab-kii ugu badna ee mar qura isa soo dhiiba

1- Apri-2024

Heyadda Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA oo soo bandhigtay Al-Shabaab-kii ugu badna ee mar qura isa soo dhiiba

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban 10 xubnood, kana soo goostay kooxda arxanka daran ee Shabaab ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabad-sugidda magaalada Baydhabo.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha.

Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen howl-gallada ka dhanka ah kooxda ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay壯陽藥 ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, wejiga koowaad ee gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba dheeraaday ayaa haatan la dardar-gelinaya soo afmeerkiisa, si loogu gudbo wejiga labaad oo lagu wado inuu ka adkaan doono kii hore, oo kooxda looga xoreeyay deegaano iyo degmooyin ay sanado badan ka talinaysay.

Leave a Reply