Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA oo xirtay in ka badan 12 kun oo Akoon, kuwaas oo ay Khawaarijtu u isticmaali jirtay faafinta wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta dadka
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa Hay’adaha Dowladda Federaalka ee qaabilsan Internet-ka iyo Warbaahinta ayaa ku guuleysatay in ay xirto 12,010 Akoon, oo isugu jiray Baro Bulsho iyo Website-yo wararka lagu daabaco, kuwaas oo ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay faafinta fikirka argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.
Hay’adda ayaa qoraalkeeda ku soo bandhigtay tirada akoonada baraha bulshada ee laga xiray kooxda Al-Shabaab, horay wasaaradda warfaafinta ayaa u sheegtay in Shabaab laga xiray barahoodii ay bulshada kula wadaagi jireen afkaartooda.
Baraha la xiray oo u badnaa kuwo aan lahayn tixraac iyo taageereyaal ku xiran midna, ayay Khawaarijtu u furteen si dhuumaaleysi ah, iyaga oo isticmaalaya sawirro iyo magacyo aan jirin,” ayaa lagu yiri warkaan ka soo baxay NISA.
Sidoo kale Hay’adda ayaa baahisay Jaantuuska Akoonnada la xiray laga soo bilaabo bishii July ilaa December sanadkaan 2024-ka.
Facebook ayaa ugu badan akoonada la xiray, waxaana ku xiga TikTok, Telegram ayaa ku sii xiga, waxaana u yar Website-yada oo gaaraya shan, sida ku cad Jaantuuska ay soo saartay NISA.
Qoraalka Hay’adda NISA ayaa ku soo aadaya iyadoo galabta kaaliyaha Agaasimaha guud ee Hay’adda NISA loo magacaabay Jeneraal Saadaq Joon oo ahaa Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka.