Nolol siyaasadeed Oo u Dhaxaysa Cabsi Iyo Kalsoonidaro

5-June-2024″ Nolol siyaasadeed Oo u Dhaxaysa Cabsi Iyo Kalsoonidaro”

Kalsooni_daradooda ku aadan askariga Soomaaliyeed ayaa waxaa ka sareeya heerka uu gaarsiisan yahay isku healeynta ay ku qabaan ciidamada shisheeye Madaxda jubaland Iyo K/galbeed.

Illaalinta saladan maamul oo ku tiirsan askar shisheeye ayaa noqotay arin mudnaan sare ku leh Axmed madoobe Iyo Laftagareen agtooda tiiyoo ka sara martay masiirka wadan difaacanaya wadajirkiisa dhuleed Iyo midnimaddiisa oo lagu soo duulay

Madaxda Koonfur Galbeed & Jubbaland ayaa ka horyimid qorshaha dowladda Somalia ee ku aadan qaabka ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka, Iyadoo diidmada bixitaanka ciidamada Itoobiya ee labada maamul uu yimid xili uu sii xoogeeysanayo xiisada u dhaxeysa labada dal

DFS oo mudo u qabatay Bixitaanka askarta Itoobiya

Arintan ayaa dabo joogta khilaafka aan wali xalka loo helin ee u dhaxeeya dawladdaha Soomaaliya iyo Itoobiya kaddib is afgarad kii bilowgii sanad kan ku dhex maray Addis Ababa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abii Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

La Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ee idaacadda maxaliga ah ee Goobjoog ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya.

Dhammaadka 2024 oo qorshuhu ahaa in la soo gabagabeeyo hawlgalka kumeel gaarka ah ee ATMIS, ayaa waxa socda qorshe kale oo ciidamadaasi ku sii joogayaan sanad dheeraada, inkastoo magacooda iyo waaj

Xuseen Macalin waxa kale oo uu sheegay in marka uu dhammaado xiliga ATMIS Diiseembar 2024, ay jiri doonaan illaa 12,000 oo askari oo qayb ka noqonaya hawgal cusub, kaas oo ay suurtagal noqon karto in ay qayb ka sii ahaadaan dawladdaha hadda ciidamadoodu joogaan marka laga reebo kuwa Itoobiya

Sidee qorshaha ka reebista ciidamada Itoobiya ee hawlgalka cusub u hirgali karaa?

Golaha Wadatashiga Qaranka
Qoraalka sawirka,Xubnaha Golaha Wadatashiga Qaranka

Ciidamada Itoobiya ee jooga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxay isugu jiraan labo ciidan; ciidan hoos yimaada hawlgalka kumeel gaarka ah ee nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) iyo ciidamo aan ka tirsaneyn hawgalkaas oo toos u hoostaga wasaaradda difaaca ee Itoobiya.

Dooddaha iyo shirrarka lagu gorfeynayo hawgalka cusub ee badali doona kan ATMIS oo ay dawladda Soomaaliya garwadeen ka tahay, ma dooneyso in ciidamada Itoobiya ay qayb ka noqdaan hawgalka cusub, sida uu sheegay LaTaliyaha Amniga Qaranka.

Runtii arintu waxay ku xiran tahay wax badan kalsoonida Muqdisho iyo dawlad goboleedyadaasi ka dhaxeeya, waxay ku xiran tahay diyaar garowga ciidanka Soomaaliya ay u diyaar san yihiin inay amniga la wareegaan, sidoo kale ciidamada kale ee imaanaya, xiliga ay imaanayaan iyo arintii dhaqaalaha ciddii bixin lahayd in meel saaro, wax kasta waa suuragal laakiin wax badan waxay ku xiran yihiin mudda hartay sida looga hawlgalo iyo sida ay isu fahmaan dawladda federaalka iyo dawlad goboleedyada,’’ ayuu yiri wasiir hore Maxamed Mukhtaar.

Koonfur Galbeed & Jubbaland Oo ka horyimid qorshaha dowladda ee ciidanka Itoobiya looga saarayo dalka

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay hadal uu dhawaan warbaahinta siiyay Lataliyaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya Xuseen Macalin, kaas oo ahaa in ciidamadda itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan dhamaadka sanadkan 2024.

Hadal qoraal ah oo lagu daabacay bogga ay wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed ku leedahay barta X ee Twitterka horrey loogu yaqiin ayaa sidan u qornaa “ Koonfur Galbeed waxa ay ka warqabta in shaqsiyaad marin habaabin wado ay isticmaalayaan maalmahan baraha bulshada sida Xusen M “

“Ciidamadda Itoobiya ee ATMIS waxay hayaan howl adag, waxa aanan uga mahadcelineynaa ka qeeyb qaadashadooda howlgalka nabad ilaalinta, waxayna sii wadi doonaan in ay si joogaan oo ay doorkooda ka qaataan gobolka

Doodo badan ayaa ka jira xaaladda amniga ee waddanka, xilli dawladda Soomaaliya mar kale ku celisay inay filanayso in hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS lasoo af-jaro dhammaadka sannadkan.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah kuwa ATMIS, oo ka kala socda Uganda, Kenya, Burundi iyo Jabuuti, ay kasii mid ahaan doonaan hawlgal kale oo beddeli doona ATMIS muddo hal sano ah, bals ciidamada Itoobiya ka socda ay bixi doonaan dhammaadka Diisambar 2024-ka.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo su’aalo la iska weydiinayo diyaar ahaansha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya. Haddaba xaaladda ciidanka Soomaaliya, sii joogitaanka ciidamo ajnabi ah iyo waxa dhici kara haddii ay baxaan ayaa Haaruun Macruuf uu wax ka waraystay taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Daahir Aadan Cilmi “Indhoqarsho”.

Halka uu ka bilowday khilaafka cusub ee Soomaaliya iyo Itoobiya

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la saxeexatay Somaliland kowdii Janaayo si ay u hesho xeeb dhererkeedu dhan yahay 20 KM, ayaa Soomaaliya si weyn uga caraysiiyay, isla markaana xiisad weyn ka abuurtay gobolka.

Marka laga soo tago eedeymaha iyo hadallada kulul ee soo noqnoqday ee ka soo yeeray Soomaaliya, waxay sidoo kale arrintan u gudbisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waqti sii horreeyay ayuu ahaa markii Soomaaliya xiriirka diblomaasiyadeed u jartay Itoobiya, waxayna ku amartay safiirka Itoobiya iyo dublamaasiyiinta kale inay ka baxaan Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee Addis Ababa ayaa sidoo kale lagu amray inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa heshiiskii is-afgarad ee ay kala saxiixdeen waxaa la sheegay in loo bedeli doono heshiis wax ku ool ah muddo gaaban gudaheed.

Si kastaba ha ahaatee, shan bilood ayaa ka soo wareegtay markii la saxiixay Heshiiska Is-afgaradka, ilaa hadda si rasmi ah looma sheegin halka uu marayo iyo dhaqan-gelintiisaba

Is afgardaka Itoobiya iyo Somaliland
Qoraalka sawirka,Hargeysa iyo Addis Ababa ayaa maalinkii koowaad ee sanadkan is-afgarad ku kala saxiixday Addis Ababa

Leave a Reply