Norwey oo somalia u balan qaaday in ay ka gacansiinayso Xasilinta Iyo Horumarinta Caasimadda Muqdisho

23″ March “2022 Muqdisho

DARYEEL CAAFIMAD U DOONO DARAJAAT HOSPITAL

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xarunta aqalka Dowlada hoose ee Xamar ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Dowladda Norway oo uu hogaaminayay wak犀利士 iil-ka safaraada Norway ee Soomaaliya Mr. Haakon Svane.

Shirkan oo muhiim u ahaa horumarinta Caasimadda ayaa wax yaabihii looga hadlay waxaa kamid ahaa dadajinta mashruuca Xasillinta iyo Horumarinta oo ay dowladda Norway taageeridonto 3-da sano ee socoto.

Waxaa sidoo kale looga hadlay kulankan in la iska kaashado dib u dhiska xarumaha dowladda hoose, Nalaynta Magaalada.

iyo sidii loo dhisi lahaa meelaha Biya-Mareenka, garab istaaga dadka ay Abaarta soo barakacisey ee magalada soo galay, iyo shaqa abuurka Dhallinyarada.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Wakiil Safaarada dowladda Norway ee Soomaaliya ayaa isku afgartay in si dhow loo wada shaqeeyo