Xildhibaan C/raxmaan Odawaa oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ahna Xoghayaha Guud ee Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka hadlay khudbada berri ee Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doono Golaha Shacabka.
C/raxmaan Odawaa ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in Madaxweynaha ay ka rajeynayaan inuu garowsan yahay xaalada adag ee dalku ku sugan yahay, maalinta berrina la hor imaan doono Baarlamaanka wax dalka lagu badbaadinayo.
“Waxaan rajeyneynaa in Madaxweyne Farmajo uu garowsan yahay xaalladda adag ee uu dalku ku sugan yahay, berina uu xildhibaanadda la hor iman doono wax dalka lagu badbaadinayo oo ah jidkii loo mari lahaa doorasho laga wada raalli yahay”ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Odowaa.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo jidka kaliya ee u furan uu yahay shirka Dhuusamareeb 3 sidii la isugu tagi lahaa.
“Jidka kaliya ee u furan Madaxweynaha waa in Dhuusamreeb 3 loo wada guntadaa sidii la isugu wada tagi lahaa ugana soo bixi lahaayeen qaab doorasho oo la isla ogolyahay”ayuu yiri.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo la hadlayay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in Madaxweynaha uu dalbaday kulanka Golaha Shacabka, horayna u balan-qaaday inuu Baarlamaanka warbixin siinayo, kuna salleysan tahay warbixintiisa xaalada doorashada dalka.
Khudbada uu berri Madaxweyne Farmaajo ka jeedin doono Golaha Shacabka ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaana la filayaa in khudbada Madaxweynaha uu diiradda ku saaro xaalada doorasho ee dalka oo weli jahwareer ka jiro, welina Madaxweynuhu aaminsan yahay in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku dhex qarsan tahay Muddo kororsi.