Somaliland oo hargeysa ku soo dhaweeysay Odayaal dhaqameed muqdisho ka tagay si ay dhaxdhaxaadin uga galaan joojinta colaada laascaanood

25″ April “2023” Hargeysa

Madax dhaqameedkii kal hore ka tegay magaalada Muqdisho ee u socday inay dhex-dhexaadiyaan xukuumadda Somaliland iyo Isimida SSC ayaa maanta soo gaaray magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Madax dhaqameedkan oo muddo ku sugna magaalada Garoowe, islamarkaana kormeer ku tegay magaalada Laascaanood oo ay ka taagan tahay xiisadda dagaal ee u dhaxeysa Somaliland iyo SSC ayaa ugu dambeyn loo ogolaaday inay kasoo degaan madaarka Cigaal International ee magaalada Hargeysa.

Waxaa garoonka si weyn ugu soo dhaweeyay madax dhaqameedka kala duwan ee Somaliland, iyaga oo kusoo dhaweeyay caasimada Somaliland ee Hargeysa, sheegayna inay diyaar u yihiin inay ka qaabilaan dhex-dhexaadintooda iyo arrinta ay u socdaan

Madax dhaqameedkii mudaba ku maqnaa magaalada Caynaba ee gobolka Sool ayaa halkan ku qaabilay is wareysigayaguna wuu noo dambeeyaa,” ayuu yiri Suldaan Xasan oo kamid ah madaxda Dhaqanka Somaliland ee u xil-saaran xalinta colaada Laascaanood.

“Ergo ayaa tihiin oo anaguna ergo ayaa nahay, oo anagu mudaba waxaa fadhinay Laascaanood, waa Salaadiintii Oog tagtay oo halkana maanta idinku soo dhaweynayna, maadama aan nahay ergadii idinka horeysay, hadalkayagu waa soo dhaweyn walaalnimo.”

Ugaas Maxamuud oo horkacaya madax dhaqameedka gaaray Hargeysa oo ka hadlay munaasabadda kooban ee soo dhaweynta aheyd ayaa ka mahad-celiyay soo dhaweynta odayaasha dhaqanka Somaliland, “Salaadiinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa u mahad-celinayna oo runtii si karaamo leh noogu soo dhaweeyay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, intaas kadib hadalka iyo ujeedka socdaalkeena waxay noo ahaan doonta goorteeda iyo goobteeda