Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
26″ November “2022

Golaha Malaagyada degmada xuddur ee gobolka bakool oo ka duulaya baaqii Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlmaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ahaa shirweyne dib u-heshisiinta loogu samaynayo siyaasiyiinta iyo bulshoweynta reer koonfur galbeed
Kulankaan oo maanta ay ku yeesheen magaalada xuddur Odoyaasha Dhaqanka gobolka bakool, waxay uga hadleen baahida xiligaan looqabo in gogol dib-u-heshisiin la dhigo oo ay ku wada qeybgalaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka ku abtirsadaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaan rajo badan ka qabnaa in ay isbedel wanaagsan u horseedeyso xaaladaha ka jira deegaanada koofur galbeed.
Odayaasha oo kulankooda saacado qaatay ka dib waxa ay soo saareeyn baaq ay ku soo dhoweeyeen shirka dib-u-heshiisiinta nabadeynta cidkasta oo quseysana uga baaqeen in ay ka qeybgasho, odayaasha dhaqanka dhinac kale waxa ay codsadeen in shirweynaha dib-u-heshisiinta nabadeynta koofur galbeed lagu qabto magaalada xuddur, diyaarna u yihiin in ay marti geliyaan.
Shirkaan oo dhawaan ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur.




