4″ May”2023
Paris St-Germain ayaa sare u qaadaysa amaanka guryaha Lionel Messi iyo Neymar kadib dibad baxyo ay sameeyeen taageerayaasha.
Kooxda Ligue 1 ka dhisan ayaa laga badiyay seddex ka mid ah lixdii kulan ee ugu danbeysay ee horyaalka, waxaana ay ka hareen Champions League.
Taageerayaasha ayaa isugu soo baxay bannaanka hore ee guriga Neymar ee Paris Arbacadii, waxayna ku dhawaaqayeen inuu isaga tago kooxda.
“Paris St-Germain waxay si adag u cambaaraynaysaa falalka aan la aqbali karin iyo aflagaadada,” ayay kooxdu ku tidhi bayaan ay soo saartay.
“Wax kasta oo ay ku kala duwan yihiin ra’yiga, ma jiraan wax caddaynaya dhaqankaas,” ayay raacisay.
Argentine Messi, oo 35 jir ah, ayaa ka tagi doona PSG marka uu qandaraaskiisu dhaco xagaaga, halka Neymar, oo 31 jir ah uu dhaawac ku maqan yahay.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil ayaa la xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedka bishii March, sababtoo ah dhaawac canqowga ah.
Messi ayaa kooxda PSG laga ganaaxay labo todobaad Talaadadii ka dib markii uu u safray Saudi Arabia isaga oo aan fasax ka haysan kooxda.
Waxa ay daba socotay guuldaradii PSG ka soo gaartay gurigeeda Lorient taasoo hoos u dhigtay hogaankeeda hogaanka Ligue 1 shan dhibcood iyadoo ay u harsan tahay shan kulan.
Dhawr boqol oo taageerayaasha PSG ah ayaa Arbacadii isugu soo baxay bannaanka hore ee xarunta kooxda PSG, waxayna dab qabadsiiyeen qiiq, waxayna ku qaylinayeen Messi, Neymar iyo xiddiga khadka dhexe ee Italy Marco Verratti. Qaar ayaa markaa aaday guriga Neymar.
Falalka ay ku kacayaan taageerayaasha kooxda ayaa keenay in kooxda ay kordhiso amaanka guryaha Messi,Neymar,Verratti iyo maamulaha Christophe Galtier iyo waliba xarunta tababarka kooxda.
Kooxda ayaa diiday in ay ka hadasho markii BBC Sport wax laga waydiiyay tallaabooyinka amniga.