10″ December”2020″ XIGASHO: REUTERS
Pfizer iyo BioNTech ayaa sheegay in dukumiintiyada la xiriira horumarintooda tallaalka COVID-19 ‘si sharci darro ah looga soo galay’ weeraradii cyberattack ee ku saabsanaa jaangooyaha dawooyinka Yurub.
Tallaalka Pfizer-BioNTech COVID-19 ayaa ka mid ah tartamayaasha ugu sarreeya tartanka adduunka si loo horumariyo tallaalka guuleysta

Wakaaladda dawooyinka Yurub (EMA), oo u xilsaaran qiimeynta iyo ansixinta daawooyinka iyo tallaalada Midowga Yurub (EU), ayaa saacado ka hor sheegtay in lagu bartilmaameedsaday weerar xagga internetka ah. Ma bixin faahfaahin dheeraad ah.
Pfizer iyo BioNTech ayaa sheegay inaysan rumeysneyn in xog shaqsiyadeed oo ka qeybgaleyaasha ah la waxyeeleeyay isla markaana EMA “ay noo xaqiijisay in weerarka cyberattack uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin sii wadida soosaark talaalka covid 19 iyo casriyeeyntiisa intaba .”
Si rasmi ah looma oga goorta iyo sida uu weerarku u dhacay, cidda masuulka ka ahayd iyo macluumaadka kale ee laga yaabo inay waxyeelleeyeen, ayay tiri Afhayeenad u hadashay BioNTech oo ka gaabsatay sharaxaad dheeraad ah in ay bixiso .

Labada shirkadood ayaa sheegay in ay ku wargeliyeen EMA “in wakaaladda lagu soo rogay cyberattack balse intaas wax dhaafsiisan ma jiraan
Waxay intaas ku dareen “ma jiro nidaamyo BioNTech ama Pfizer ah oo lagu xadgudbay dhacdadan mana garan karno sida ka qayb,galayaasha daraasada qaarkood lagu aqoonsaday iyo in la helay xogteena ku saabsan horumarinta talaalka Pfizer-BioNTech
Lamaanaha Pfizer-BioNTech waxa ay ka mid yihiin Tartamayaasha ugu sareeya tartan caalami ah oo lagu soo bandhigayo tallaalka COVID-19.
Horeba waxaa looga maamuli jiray Boqortooyada Midowday (UK), oo usbuucii hore bixisay oggolaanshaha tallaalka oo loo Isticmaalay si dag,dag ah , Sidaasoo ay tahay talaalka Pfizer-BioNTech wali waxaa darsaya EU. EMA oo sheegtay inay dhameystirayaan dib u eegistooda ugu dambeyn 29-ka bisha Diseembar, inkasta oo ay sheegeen inay jadwalkoodu isbadal ku imaan karo.
EMA waxay faahfaahin kooban ka bixisay weerarka bayaankeedii hore, waxayna ku sheegtay kaliya inay baareyso dhacdada iyadoo gacan ka heleysa fulinta sharciga.
“EMA ma bixin karto faahfaahin dheeri ah inta baaritaanka uu socdo. Macluumaad dheeri ah ayaa la heli doonaa waqtiga ugu habboon, “ayaa lagu yiri bayaan.
Isku dayga jabsiga ee ka dhanka ah daryeelka caafimaadka iyo ururada caafimaadka ayaa sii xoogeystay intii uu socday faafida COVID-19 iyada oo weeraryahanada ay u dhaxeeyeen basaasiin ay dowladu taageerto iyo dambiilayaal dambiilayaal ah oo isku dayaya in ay helaan macluumaadkii ugu dambeeyay ee ku saabsan faafida.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hore u diiwaangalisay sida tuugada ay ula xiriiraan Kuuriyada Waqooyi, Iiraan, Fiyetnaam, Shiinaha iyo Ruushka marar kala duwan loogu eedeeyay in ay isku dayayaan in ay xadaan macluumaadka ku saabsan fayraska iyo daweynta ka dhalan karta.
XIGASHO: REUTERS
