1-Oct-2023
Xisbiga la mamnuucay ee Kurdistan Workers’ Party (PKK) ayaa aqbalay mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay caasimadda Ankara maalintii Axadda, sida uu sheegay mareegaha wararka ee ku dhow kooxda.
Labo askari oo ka tirsan booliska ayaa ku dhaawacmay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee wasaaradda arrimaha gudaha, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaasi.
Dhaawacahoodu maaha kuwo nafta halis gelin kara.
Wasiirka, Cali Yerlikaya, ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in laba qof oo weerarka soo qaaday ay mas’uul ka ahaayeen qaraxa.
Labada nin ee weerarka geystay waa ay dhinteen – mid waa is qarxiyay midna waa la dilay – sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Turkiga.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa ku tilmaamay duqeynta inay tahay “wixii u dambeeyay ee argagixisanimada”, isagoo intaa ku daray in kuwa ka dambeeya weeraradan aysan waligood guuleysan doonin.