GOAL
Tababaraha reer Argentine ayaa iska diiday fursad uu ku aadi Bernabeu 2018 si uu ula sii joogo kooxda reer London ee Tottenham.
Mauricio Pochettino ayaan ka qoomameyneynin go’aankiisa ah inuu sharfo qandaraaskiisa Tottenham isla markaana uu iska fogeeyo Real Madrid 2018, laakiin wuxuu muujiyay jahwareer ka dib markii uu arkay inuusan ‘taageero’ ka haysan guddiga Spurs.
Pochettino ayaa shan sano la qaatay Spurs ka dib markii uu kaga soo biiray kooxda Southampton sanadkii 2014 wuxuuna kooxda u beddelay afarta koox ee ugu sareysa Premier League iyo kuwa u soo baxa Champions League.
Laakiin bilow adag oo xilli ciyaareedkii 2019-20 ayaa horseeday in shaqada laga ceyriyo bishii November ee sanadkii hore, iyadoo Spurs ay keentay inuu Jose Mourinho bedelo.
Pochettino wuxuu hore u helay fursad uu isaga tago shaqadiisa gaarka ah ee 2018, markii Real Madrid ay isku dayday inay u shaqaaleysiiso isaga oo bedelaya Zinedine Zidane, laakiin wuxuu doortay inuu sii joogo.
Mudadii yarayd waxay muujisay go’aan caqli badan, madaama uu ku hogaamiyay Spurs koobkoodii ugu horreeyay ee Champions League halka Madrid ay ceyrisay Julen Lopetegui iyo Santiago Solari isla ololahaas, ugu dambeyntiina wuxuu ku qanciyay Zidane inuu soo laabto bisha Maarso 2019.
Lakiin dhowr bilood gudahood guuldaradii Spurs ee Champions League ee ka soo gaartay Liverpool, aragtida kooxda waxa ay aheyd mid jahwareer badan isla markaana Pochettino ayaa ku gacan seyray inuu taageero dheeri ah ka helin gudoomiyaha kooxda Daniel Levy iyo guddiga.
Pochettino ayaa u sheegay El Pais mar la weydiiyay hadii uu ka qoomameynayo inuusan ku biirin Madrid markii fursadu ay soo baxday.
Aniguna [shaqaalihiisii iyo Spurs-kii] sifiican ayaan u wada dhammeysanay, xiriirka waa mid aan la qarin karin. Waxaan marwalba dhahaa, anigoo aan is hoosaysiin been ah, waxaan sidoo kale sameynay qaladaad horseeday wixii dhacay, inkasta oo aan fileynay in taageero dheeri ah ama dhiirrigelin ah aan ka bedelno natiijada. xaalad.
Laakiin laynka naadigu wuxuu u socday wado kale waxayna ahayd mid xiran; nasasho ayaa looga baahnaa labada dhinacba.
Waxaan ka shaqeynaa jawiga natiijada hogaamineyso halkaas oo ay umuuqato in wax walboo natiijo fiican keenaya ay yihiin kuwa sii soconaya.
Ka dib ciyaarta finalka Champions League, afar sano oo ka mid ah afarta sare, labo sano oo aan saxiix laheyn… qorshe istiraatiijiyadeed oo kale ayaa loo baahnaa.
Mararka qaar aragtida shaqaalaha tababarka ayaan aqbalin maamulka naadiga. Waan ogaynay waxa dhici kara.
“Waxaad u baahan tahay inaad dhacaan, waahoos u socod iyo kor u socod, laakiin Tottenham waxay qaadatay go aanka ah inaan kala tagno shan sano iyo badh kadib. Waan fahmay inay tahay waqti dheer.” ayuu yiri Mauricio Pochettino”