3- July-2023
Baadarigu waxa uu leeyahay waa in aan kitaabka quduuska ah la nijaasayn waxana uu diiday fikradda ah in mudaaharaadyo meel ka dhac ah loo ogolaado magaca xorriyatul qawlka.
Pope Francis ayaa canbaareeyay qur’aanka lagu gubay todobaadkii hore Sweden, isagoo sheegay inuu dareemayay “in uu aad uga cadhooday” inuu arko kitaabka Muslimiinta oo la nijaaseeyay.
Wareysi uu Isniintii ku daabacay wargeyska Al Itixaad ee ka soo baxa Imaaraadka Carabta, ayuu baadari ku yiri: “Buug kasta oo loo arko inuu quduus yahay waa in la ixtiraamaa si loo ixtiraamo kuwa rumeeyey
“Waxaan dareemaa xanaaq iyo karaahiyo falalkan.”
Axadii, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo ah koox ka kooban 57 dowladood, ayaa sheegay in loo baahan yahay tallaabooyin wadajir ah oo loo baahan yahay in sharciga caalamiga ah loo isticmaalo joojinta nacaybka diimeed.
OIC ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Waa inaan u dirnaa xasuusin joogto ah beesha caalamka oo ku saabsan ku dhaqanka degdegga ah ee sharciga caalamiga ah, kaasoo si cad u mamnuucaya u doodista nacaybka diimeed.
Isniintii, Sacuudi Carabiya waxay u yeertay safiirka Sweden dhacdadan si ay ugu booriso Stockholm inay joojiso dhammaan ficillada si toos ah uga soo horjeeda dadaallada caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu faafiyo qiyamka dulqaadka, dhexdhexaadnimada iyo diidmada xagjirnimada iyo in la wiiqo ixtiraamka wadajirka ah ee lagama maarmaanka u ah xiriirka ka dhexeeya dadka iyo dawladaha. sida ay ku warantay wakaalada wararka Sacuudiga.
Iyadoo booliska Sweden uu fasaxay mudaaharaad, ayaa ninka qur’aanka gubay lagu soo oogay dacwad ka dhan ah qowmiyad ama qaran.
Xorriyatul qawlka waa in aan marnaba loo isticmaalin hab lagu quudhsado dadka kale, lana ogolaado in la diido oo la cambaareeyo,” ayuu yidhi.
Horey ayey Sweden uga dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo Muslimiinta.
Dabayaaqadii Janaayo, Turkiga ayaa hakiyay wadahadaladii ku saabsanaa codsiga xubinimada NATO ee Sweden ka dib markii siyaasi Danish ah oo midigta fog uu nuqul ka mid ah Qur’aanka ku gubay meel u dhow safaaradda Turkiga ee Stockholm.