Puntland maxay ka tiri inay iyagu diideen in shidaal laga baaro deeganadooda?

Maamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay wasiirka Batroolka iyo Macdanka ee dowladda Federalka oo ku eedeeyey madaxda maamulkaas iyagu diideen in deegaanadaas laga sameeyo howlo sahmin shidaal ah.

Wasiirku dowladaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax Maxamed Nuur oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inaysan jirin meel Puntland ay ku diiday in deegaanadeeda laga sameeyo sahamin shidaal.

“Puntland Batrool la baaro Soomaaliya iyadaa ugu horreysay… kolba in madaxda Soomaliya eedo aan macno ku fadhiyin iska dhahaan hadhowna raali galin ka bixiyaan”ayuu yiri Cabdifitaax.

Wuxuu intaa raaciyey in haba yaraatee aysan jirin meel wasiir ka tirsan dowladda dhexe iyo Madaxweynaha Puntland ay uga wada hadleen arrimaha Shidaalka.

“Hannaanka dowlad dhiska dalka waxyaabo badan aya laga wada hadlyey waxaana ka mid ah khayraadka, mana jirto in si gaara wasiirka iyo madaxweynuhu ugu wada hadleen arrin gaar u qusaysa shidaal Soomaaliya laga qodoyo iyo cida qodaysa, kama wada sheekaysan Madaxweynaha Putnland iyo wasiir ka mid ah wasiirada dowladda federal arrin u gaara oo bartoorlka iyo shidaal qaybsiga,” ayuu BBC-da u sheegay wasiiru dowladdaha madaxtooyada Puntland Cabdifitaax.

Hadalkii wasiirka Batroolka Soomaaliya

Puntland iyo Federalka
Qoraalka sawirka,Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Dowladdda Federalka Soomaliya, Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Wasiirka Batroolka iyo Macdan ee dowladda Federalka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa si gaara uga hadlay hadal uu shalay barlamaanka Maamulka Puntland ka yiri madaxweyne Deni oo ka hadlay arrimaha khariirad la soo bandhigay intii Muqdisho ay ka socotay munaasabad lagu soo dhaweynayey markabka saminta shidaalka ee Turkiga.

Wasiirk Cabdirisaaq ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha maamulka Puntland inuu diiday in deegaanadaas laga sameeyo wax ku saabsan shidaal sahmin.

“Deni wuxuu dowladda dhexe masuuliyadii ay lahayd ee oo ay ka mid ahay in sahmin laga sameeyo Puntland isaga ayaa horjoogsaday isaga ayaa diiday. Annaga dowladda ayaa nahay masuuliyad ayaa na saaran ganacsi caa’ilo kama shaqayno waxaan ka shaqaynaa ganacsi ummadda Somaliyeed wax loogu qabanayo”

Wasiirka batroolka Soomaaliya ayaa intaa ku daray in Madaxweyne Deni uu isagu la yimid shirkad.

“Waxaa dhacday inuu la yimid shirkad uu yiri shirkadaanaa ii samaynaysa waliba anigaa saxiixa wax ku lahyaanaya shirkada ay shaqada ku bilaabayso annaguna waa ka diinay shirkaduna, way ogaayeen in dowladda dhexe masuuliyaddaas ay tahay masuuliyad ay leedahay,” ayuu yiri Cabdirisaaq.

Wuxuu intaa raaciyey inay ka xun yihiin in la siyaasadeeyo arrimaha horumarka ee dalka uu gaarayo iyadoo an la eegin rajada Ummadda.

Sahaminta shidalka Soomaaliya

Markabka Sahaminta Shidaalka ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa howlo shidaal baaris ah ka samayna xeebaha Maamulka Galmudug, Mar BBC-du waydiisay Wasiiru dowladaha Madaxtooyada Puntland Cabdifitaax in iyadu aysan tagin madaladii madaxda dalka kaga wada hadlayeen arrimahaas ayuu sheegay.

“Puntland oo diidaysa horumar dalku gaarayo ma dhicin, waxaan mar walba ku faraxsan tahay soomaaliya ku tallaabsato tillaabooyin horumar leh wadajir leh isku filnaansho leh”ayuu intaas raaciyey Cabdifitaax.

Puntland iyo dowladda Federalka ayaa xiriirkoodu xumaa ilaa bilowgii dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland ayaa sidoo kale aan ka qayb galin kulamadii golaha wadatashiga Qaranka iyagoo ku fasiray diidmadooda inay dowladda federalku wax ka baddeshay dastuurka.