5- April-2024

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay sheegtay inay dalkeeda ka cayrinayso safiirka Itoobiya, sidoo kalana ay xirtay qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd Jamhuuriyada Iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Puntland.
Qunsuliyaddaha la xiray waxay ku yaallaan Garoowe iyo Hargaysa. Sidoo kalana dowladda federalka ayaa u yeeratay safiirkeedi ka joogay Addis Ababa.
Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay ku xad-gudubtay madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasararadda arrimaha dibadda Soomaliya
Iyadoo ka jawaabaysa go’aanka Soomaaliya ayaa dowladda Itoobiya ay sheegtay inaysan war ax war ah ka hayn arrintan oo markii ugu horreysay si rasmi ah uu u shaaciyay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sida uu sheegay afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Nebiyu Tedla
Jamhuuriyada Iskeed Madaxbananida ug udhawaaqday ee Somaliland ayaa sheegtay inaysan qusayn go’aanka ka soo baxay dowladda Federalka.
Wasiir xigeenka arrimaha dibadda ee Somaliland, Rooda Jaamac ayaa BBC-da u sheegtay in xiriirka Itoobiya iyo Somaliland uu yahay mid quseeya labada dhinac ayna xoojinayaan.
“Itoobiya iyo Somaliland waa labada dal oo xirir wanaagsan ka dhaxeeyo, wax lagaga hadlo Xamarna sinaba nooma quseeyaan, qunsuiyada Itoobiya muddo ayey ka furnayd inuu xiriirkeennu sii ballaarto maahee ma yaraanayo,” ayey tiri Rooda.
Saraakiil sar sare oo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland ayaa sheegay in awaamiirtan aysan ka dhaqan gali doonin deegaanadooda.
Laba sarkaal oo Soomaali ah ayaa sida ay sheegtay wakaalada wararka ee Reuters tallaabadan la xiriiriyey khilaafka ka dhashay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee koowdii bishii Janaayo ee sanadkan Addis Ababa ku kala saxiixdeen Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbanaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland iyo Itoobiya kaasoo ay dowladda Soomaaliya aad uga carootay.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay sharci darro ugu tilmaamay heshiiskaas, wuxuuna bishii February sheegay in dalkiisu is difaaci doono haddii Itoobiya ay ku dhaqaaqdo tallaabadaas.
Xiisadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Puntland ayaa sidoo kale soo shaacbaxday dabayaaqadii toddobaadkan, kadib markii golaha wasiirrada Puntland ay sheegeen in ay ka baxeen nidaamka federaalka ah ee dalka ayna isku maamuli doonaan si madax-banaan khilaaf ka dhashay isbedel dhanka dastuurka ah.
Tallaabada ay Soomaaliya ku cayrisay safiirka iyo xiritaanka qunsuliyadda ayaa walaac ku keeneysahalka ay ku danbeyn doonto 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee dagaalka kula jira dagaalyahanada al-Shabaab ee xiriirka la leh al-Qaacida
Puntland oo ka hortimid go’aanka dowladda Fedaraalka ku amartay in lagu xiro Qunsuliyadaha Itoobiya ee Garoowe iyo Hargeysa

Wasiirka warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir ayaa BBC-da u sheegay in dowladda federaalku laashay dastuurkii heshiiska lagu ahaa sidaas darteedna uusan wax sharci ah ka dhaxayn sida uu hadalka u dhigay cid walbana ay maamushao meesha ay joogto.
Maamul goboleedka Puntland ayaa si adag uga horymid go’aan Shalay kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo ay ku amartay in lagu xiro Qunsuliyada Itoobiya ay ku leedahay magaalada Garoowe.
Warsaxafadeed Xalay saqdii dhexe kasoo baxay Madaxtooyada maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in Puntland uusan khuseyn go’aanka kasoo baxay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.
Puntland ayaa sidoo kale ku sheegtay Warsaxafdeedka ay soo saartay in si gaar ah ula macaamileyso dowladaha deriska ah, beesha caalamka iyo daneeyeyaasha arrimaha Soomaaliya.
“Dowladda Puntland iyo Dowladda Federaalka Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah iyo iskaashi qoto-dheer, oo ku saleysan dhaqan-dhaqaalaha, amn壯陽藥 iga iyo isu socodka bulshada. Go’aankii ka soo baxay Magaalada Muqdisho 4-ta bisha April 2024, ma ahayn mid loogu daneynayay maslaxada ummadda Soomaaliyeed ee waxa uu ahaa mid ku saleysan cadaawad, xin iyo hagardaameyn lala daba joogo shacabka Puntland, laguna majo xaabinayo federaleynta Soomaaliya” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Madaxtooyada Puntland.
Warkaan kasoo yeeray Puntland ayaa ah mid daba socda qaraar Shalay ka soo baxay Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu sheegay in la xirayo Qunsuliyadaha Itoobiya ku leedahay Magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, sababo ku aaddan in Itoobiya ay fara gelin ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
