Puntland oo ka jawaabtay lacagta lixda malyan ee la sheegay inay ka qaadatay dowladda Federaalka

20″Aug”2024″ BBC

Mamaamulka Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warka ah inay lacag ka badan $6 Milyan oo dollar ka qaadatay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange ayaa sheegay in lacagtan uu “madaxweyne Saciid Deni dalbaday in iyadoo caddaan ah si toos ah loogu shubo khasnada maamulka Puntland”.

“Wasaaradda Maaliyadda DFS waxay Dawladda Puntland u wareejisay (fiscal transfer) lacag dhan $6,348,826 ( lix Milyan sedex boqol afartan iyo sideed kun sideed boqol labaatan lix doolar) oo ah kab miisaaniyadeed,” ayuu wasiir Xaange ku yiri qoraal uu soo saaray.

Hase yeeshee waxaa hadalka wasiirka gaashaanka u daruuray wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid dirir oo yiri:

Been haddii aad sheegeyso wax u eg baa la sheegaa waxaadna hoosta ka xarriiqdaa Puntland xaq ayay u leedahay lacagta kabka ah ee uu Bangiga Adduunka bixiyo, iyada ayaana dalbatay oo codsiga dhiibatay codsigaasna waxaa ku qoran akoonka dowliga ah ee lagu shubayo, shuruudaha Bangigana waxaa ku jiro in lacagta marka hore ay soo marto bangiga dhexe ee dowladda,” ayuu yiri wasiir Maxamuud Caydiid

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Xasan Xaange.
Qoraalka sawirka,Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Cabdiqafaar Xasan Xaange

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Puntland markii ay dalbeneysay kabka misaaniyadda ay dukumiinti ku dalbatay kaas oo uu ku qoran yahay akoonka wasaardda maaliyadda.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafaar Xaange waxa uu sheegay

“Waxaa xusid in madaxweynaha Puntland codsaday in lacagahaas caddaanka (cash) toos loogu soo shubo.”

Lacagtan ayaa waxay dowladda u wareejisay Puntland mudaddii u dhaxeysay 2 illaa 3-dii July, sida uu sheegay wasiirka, una dhigan sidan;

2-dii July 2024 waxaa la wareejinay $1,353,000.

3 dii July 2024, waxaa bixiyay $3,500,000.

Halka lacag dhan 1,495,826 la wareejiyay wakhtiyo kala duwan.

Hase yeeshee wasiir Caydiid ayaa sheegay in aysan jirin cid lacag kaash ah ka qaadan karto Bangiga Adduunka.

”Waxaad kale oo aad hoosta ka xariiqdaan lacag Bangiga Adduunka leeyahay cid akoon gaar ah ku dhubi kartaa ma jirto, cid kaash u qaadan kartaana ma jirto haddii sidaas la sameyn karana bangigaas maba uusan jireen marka taas waxay kuu cadeyneysaa in warkan uu yahay hadal been ah oo la sameeyay”.

Saciid Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud
Qoraalka sawirka,Saciid Deni iyo Xasan Sheekh Maxamuud

Wadarta lacagahaas ayaa dhan $6,348,826, waxaana lagu sheegay kab miisaaniyadeed oo si toos ah loo gaarsiiyay khasnadda maamulka Puntland, kadib codsi ka yimid Saciid Cabdullaahi Deni.

Soomaaliya ayaa ah dal wali ku tiirsan kabid dhaqaale oo ay ka helaan caalamka gaar ahaan dalalka caawiya kaas ka mida halbowlayasha dhaqaalaha dalka.