9″ January ” 2023″ Horseed Media
Maamul-goboleedka Puntland oo war-saxaafadeed ka soo saaray khilaafka ay sheegeen inuu u dhexeeya iyaga iyo dawladda dhexe ee Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday inay ka madax bannaan yihiin dawladda Faderaalka Soomaaliya tan iyo inta laga dhammaystirayo qodobada heshiiskii ay Putland ka gaabsatay ee dhowaan lagu gaaray magaalada Muqdisho
<犀利士 p>Warbaahinta Horseed Media ayaa warisay in Warsaxaafadeedka ka soo baxay Putland oo ka kooban Saddex Bog ay sidoo kale Puntland ku sheegtay in Dastuurku uu xaq usiinayo sida dowlad Madax bannaan in ay u dhaqanto.“Inta laga dhammaystirayo Dastuur Federaal oo Puntland ay wax ka ansixisay, kadibna afti dadweyne lagu meel-mariyay, Puntland waxay lahaanaysaa awoodda dowlad madax-bannaan” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Qoraalkan ka soo baxay Puntland ayaa muujinaya in ay si toos ah xiriirka ugu jartay Villa Somalia oo waayadan dambe uu kala dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed oo aan dibada u soo bixin