Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
15″ September “2022” Radio Kulmiye
Maamulka Puntland ayaa qaadacay Sharciga baarista Shidaalka Soomaaliya oo 2020-kii meelmariyeen Xildhbaannada Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay sheegtay in Dowladda Federaalka ku howlan tahay dhaqan gelintiisa.
WarSaxaafadeed ka soo baxay Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in sharcigaasi baal marsan yahay Dastuurka dalka, isla markaasna aysan qeyb ka aheyn dhaqan gelintiisa.
“Xeerka Shidaalka Soomaaliya ee 2020-ka ee lagu muransan yahay ee uu ansixiyay Baarlamaanka DFS iyadoo aan lagala tashan Maamulada Dowladda xubinta ka ah, waa sharci noqonaya mid aan ahayn mid heer qaran ah”.
“Dawladda Puntland oo ka xun arrinkaasi. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in la dhaqan geliyo sharcigan Muranka badan dhaliyay iyo in lagu degdego ka ganacsiga kheyraadka dalka,
Maamulka Puntland waxay uga digaysaa dawladda Faderaalka ee Soomaaliya in ay joojiso ku dhaqanka sharcigan aan waafaqsanayn dastuurka dalka, kaas oo keeni kara khalkhal hor leh oo dalka ka dhalan kara, waxna u dhimi kara dhismaha dawladnimada, ugu dambayntiina hurin kara kacdoon shacab iyo rabshado” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.