Q.M oo 100 Milyan ugu deeqday dalal ay ku jirto Soomaaliya

17″ April “2022” Muqdisho

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay 100 milyan oo dollar kasoo saartay sanduuqa wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah, si ay u caawiso malaayiinta wajahaya gaajo daran, kuwaas oo ku nool dalalka South Sudan, Soomaaliya, Sudan, Nigeria, Kenya, Ethiopia iyo Yemen.

Malaayiin ku nool toddobadaas waddan ayaan quudin karin naftooda iyo qoysaskooda sababo la xiriira iska horimaadyada hubaysan, abaarta, iyo qalalaasaha dhaqaale ee uu uga sii daray COVID-19.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadaninimada ayaa sidoo kale sheegay in saameynta dagaalka Ukraine ay khatar ku tahay in malaayiin qof ay u sii dhawaadaan macluu壯陽藥 l.

Afhayeenka OCHA Jens Laerke ayaa VOA u sheegay in Yemen, Koofurta Suudaan, iyo Soomaaliya ay mar horeba ku jireen waxa Qaramada Midoobay ugu yeertay wejiga shanaad ee musiibada xaalad degdeg ah – gaajo iyo macaluul.

“Wadamada kale ee Nigeria, Sudan, iyo Kenya iyo sidoo kale sidoo Itoobiya waxa aanu haynaa malaayiin dad ah oo hal tallaabo u jira marxaladdan masiibada ah,” ayuu yiri Jens Laerke.

Laerke ayaa intaa ku daray in hay’adaha Qaramada Midoobay ay rajeynayaan in deeq-bixiyeyaashu ay fahmaan xaaladda dalalkan soo food saartay oo ay gacan ka geystaan howlgalkooda bani’aadaminimo.