War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay Weerarkii qaraxa ku bilowday ee shalay Al-shabaab ay ku qaadeen Hotelka Elite ee ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.
Qaramada Madoobay ayaa sheegtay in sheegtay in weerarka ay dad aad u badan ku geeroyoodeen, kuwaasi oo ku jiraan Mas’uuliyiin, halka dad kalena ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa tacis tiiraanyo leh u dirtay qoysaskii iyo ehelkii dadka ku geeriyooday weerarka lagu qaaday Hotelka Elite, halka dadkii halkaas ku dhaawacmay ay u rajeeyeen Caafimaad Deg-deg ah.
“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad u adag u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday Hotel Elite ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay ku naf waayeen kuna dhaawacmeen dad aad u badan. Qarmada Midoobay waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaskii iyo ehelkii dadka dhibaatadu soo gaartay” ayaa lagu yiri Qoraalka