2″ May”2022″ Muqdisho
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobe ayaa waxaa hambalyo ku aadan munaasabada ciidul fidriga loogu diray shacabka犀利士 Soomaaliyeed oo maanta u dabaal degaya maalinta koowaad ee ciida.
“Qaramada Midoobay waxa ay dadka Soomaaliyeed u rajaynaysaa Ciidul-Fidri nabdoon oo amaan ah maadaama aan ku jirno dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
Qoraalka Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu yiri “Qiimaha iyo casharrada bisha Ramadaan – dib-u-milicsiga, is-xakamaynta, samafalka, iyo wadajirka bulshada – waa aasaaska lagu dhisayo horumarka Soomaaliya. Waxaan sii wadi doonaa taageerada Soomaalida si ay u horumariyaan mudnaanta qarankooda. Ciid Wanaagsan,” ayuu raaciyay.