Q/Midobe Oo Itoobiya Kala Hadashay Xalinta Xiisada Badda Ee Soomaaliya

1-Nay-202=” Wasiirka Arrimaha dibada ee Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa la kulmay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing, oo tagtay Addis Ababa.

Kulanka waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya & Gobalka Geeska, iyadoo Catriona Laing ay xukuumada Abiye ku wargalisay walaaceeda heshiiskii Badda ee xiisada culus ka dhex abuurtay xukuumadaha Muqdisho iyo Adis Ababa.

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya ayaa fadhigga ka sh壯陽藥 eegay in ay ka shaqeynayaan daganaanshaha gobalka, iyadoo ay Ergayga gaarka ah ee QM la sheegay in ay Itoobiya uga mahadcelisay taageerada ay ka geysato sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd.