23″ January “2023” Aljazeera
Qaramada Midoobay, Isbahaysiga ilbaxnimooyinka iyo wadamo u badan dalalka Islaamka ayaa dhaleeceeyay hogamiyaha xisbiga midigta fog ee Denmark talaabadiisii Gubista Qur’aanka kariimka ee Sweden ka dhacay Dheeho.com
Wakiilka sare ee Isbahaysiga Ilbaxnimada ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay gubitaanka kitaabka Muslimka ah ee uu gubay siyaasi Swedish-Danish ah oo midigta fog, kuna tilmaamay “fal fool xun”.
Rasmus Paludan, oo ah hogaamiyaha xisbiga midigta fog ee Denmark, Hard Line, ayaa sabtidii ka sameeyay bannaanka safaaradda Turkiga ee Sweden oo ay ilaalinayaan booliska
“Iyadoo wakiilka sare uu carabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo xoriyatul qowlka oo ah xuquuqaha aasaasiga ah ee bini’aadmiga, wuxuu sidoo kale carabka ku adkeeyay in falka qur’aanka lagu gubay, uu ka dhigan yahay muujinta nacaybka loo qabo Muslimiinta,” afhayeen u hadlay Miguel Angel Moratinos ayaa yiri bayaan la sii daayay
Waa xushmad darro iyo meel ka dhac dadka Islaamka ah, loola danleeyahay waana in aan lagu dhex milmin xoriyatul qawlka,” ayaa lagu daray qoraalka.
Moratinos, oo madax ka ah hay’ad Qaramada Midoobay ah oo isku tilmaamta inay tahay “ka go’an horumarinta fahamka bulshooyinka kala duwan”, ayaa sheegay inuu ka walaacsan yahay kororka “takoorka, dulqaad la’aanta iyo rabshadaha… aduunka”.
Waxa uu ku baaqay in la dhiso “ixtiraam labada dhinac” iyo horumarinta “bulshooyin loo dhan yahay oo nabad ah oo ku qotoma xuquuqda aadanaha iyo sharafta dadka oo dhan”.
‘Ficil isir nacayb’ Wax yar ka dib markii Paludan uu gubay nuqul ka mid ah Quraanka Kariimka, wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga, Mevlut Cavusoglu, ayaa cambaareeyay mas’uuliyiinta Sweden inay ku guuldareysteen inay mamnuucaan mudaaharaadka iyo gubitaanka kitaabka
“Waa tallaabo cunsurinimo ah. Ma aha wax ku saabsan xorriyadda hadalka,” ayuu yiri