Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
4″ Dec”2021″W/Q Axmed-Saadaq Yusuf Maxamed
“Xigasho:- Xinhua ee Chine
Q/Midoobay oo dhaqaale degdeg ah u raadinaysa abaaraha sii xumaanaya ee Soomaaliya
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ayaa codsatay dhaqaale dheeri ah oo lagu caawinayo ka hortagga saameynta abaarta ka sii dareysa ee Soomaaliya.Sida lagu sheegay warbixintii u dambaysay ee abaaraha ee la sii daayay Khamii
Xafiiska Qaramada Midoobay ee Isuduwidda Arrimaha Bini’aadantinimada (UNOCHA) ayaa sheegay in Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay uu sii daayay 8 milyan oo U.S. dollar ah iyo Sanduuqa Gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa u qoondeeyay 6 milyan oo doolar si wax looga qabto degmooyinka ay dhibaatadu ka dhacday.
Hayadu waxay sheegtay in qiimeyn degdeg ah uu socdo si loo ogaado dadka ugu nugul iyo baahiyaha ka jira meelaha ugu badan ee ay dhibaatadu saameysey, iyada oo intaa ku dartay in la-hawlgalayaasha bini’aadantinimada, maamulka iyo bulshada maxalliga ah ay kor u qaadayaan gargaarka.
“Iyadoo aan la kordhin gargaarka bini’aadantinimo, ilaa 3.8 milyan oo Soomaali ah ayaa lagu qiyaasaa in ay soo food saartay cunto yari ba’an ilaa Janaayo, taasoo kor u kacday 4.6 milyan oo qof bishii May,” ayay tiri UNOCHA.

Soomaaliya ayaa waxaa ka jirta abaar ka sii dareysa kadib saddex xilli oo isku xigta oo roobabku ay baaqdeen, waxaana ay halis ugu jirtaa xilli-roobaadka afaraad oo xiriir ah oo aan faa’iido lahayn sanadka 2021, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Waxay sheegtay in in ka badan 2.8 milyan oo qof oo ku nool 66 ka mid ah 74-ta degmo ee dalka ay saamaysay ku dhawaad 133,000 oo qofna ay ku barokaceen cunto, biyo iyo baad.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo ka dhalatay abaarta 23-kii November, waxayna codsatay gargaar caalami ah.
Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in abaartu ay sii kordhinayso baylahda darran iyo baahiyaha bini’aadantinimo ee ay sababeen tobanaan sano oo colaado iyo amni darro daba dheeraatay, qalalaasaha cimilada iyo cudurro dillaacay.
Waxa ay sheegtay in xaaladda sii xumaaneysa ay sii kordhisay dayacanka xilli tirada dadka u baahan gargaarka iyo ilaalinta Soomaaliya la saadaaliyay in ay kor u kaceyso 30 boqolkiiba halka ay ka ahayd 5.9 milyan ayna gaari doonto ilaa 7.7 milyan sanadka 2022
.”Waxaa Turjumay Axmed-saadaq Y Maxamed oo soon xiganaya wakaalada Wararka Xinhua ee Chine
