29-May-2023″ Dheeho Webmaster
Qaabka dowladnimada ay Somalia u guurayso oo qeyb ka ahaa qodobada heshiiskii golaha wadatashiga ee Muqdisho ayaa kala qaybiyay dadka quuldareeya siyaasada Somalia sida ka muuqato falcelinta ay bixiyeen qaar ka mid ah madax- hore oo xilal kala duwan ka soo qabtay dalka.
Dhaliilo qaadacaya iyo Fasiraadyo Difaacaya ayaa heshiiskii gilaha wada-tashiga ay magaalada Muqdisho ayaa qabsaday warbaahinta somalia iyo baraha bulshada iyadoo qofba uu meeshii ay la noqoto ula kacay nuxurka heshiiska u dhigayo sida ay
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fasiraad ka bixiyay heshiiskii lagu gaaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee kusoo gaba-gaboobay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in heshiiskii u dambeeyay ee Golaha Wadatashiga iyo heshiisyadii siyaasadeed ee horeeyay ay yihiin tallaabadii koowaad ee loo qaaday dhanka safar kun KM ah, taasi oo ka dhigan in heshiisyadan ay shaqo badan u dhiman tahay.
“Waxaan rabaa in dadka Soomaaliyeed ka meyro wel-welka, wa-lbahaarka iyo cabsida laga dhex tusiyay heshiisyada siyaasadeed ee Golaha Wadatashiga Qaranku gaaray. Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo in heshiisyadaani yihiin TALLABTII KOWWAAD EE LOO QAADAY DHANKA SAFAR KUN KM AH,” ayuu yiri madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay furitaanka kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka JFS
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale waxa uu caddeeyay in heshiisyadan ay u dhiman tahay tallada shacabka Soomaaliyeed iyo hay’adaha dowliga ah ee metela shacabka, kuwaasi oo ugu horreeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
“Ma jirto cid dadka Soomaaliyeed ku xukumi karta xoog iyo dirqin. Ujeeddada go’aannada Goluhu gaaray ayaa ah in tallada siyaasadeed ee dalka dib loogu celiyo Shacabka Soomaaliyeed.”
“Sidaa daraaddeed, waxaan rabaa inaan kula dardaarmo dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in HAYAANKA LOOGA GUURAYO FADHIIDNIMADA SIYAASADEED ee DHISMAHA DOWLAD QARAN aan laga raadin dano siyaasadeed, balse lagu eego dareen u adeegaya dadaalkeena wadajirka ah ee an dib ugu yegleelayno dhismaha dowlad qaran ee si dhab ah u hanaqaadda.”
Lafta Gareen & Axmed Madoobe Maxay Ka yiraahdeen Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta gobolka Banaadir ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku amaanay sida ay uga go’an tahay horu-socodka dalka iyo ka dhabeynta.
Lafta-gareen ayaa waxa uu xusay in tan iyo markii uu tallada dalka yimid madaxweyne Xasan in Golaha Wadatashiga Qaranka uu yeeshay kulamo gaaraya lix, “Markii hal sano loo qeybiyo laba bilood kasta mar ayaa la fariisanayay, waxaa meeshaas ka cad in madaxweyne Xasan iyo Golaha ay ka go’an tahay in dalkaan hore u socdo.”
Axmed Madoobe: Tareenka waa uu soconayaa, cid hor-istaagi kartana ma jirto
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa si weyn u difaacay heshiiskii ay ku gaareen magaalada Muqdisho, kaas oo dood xoogan dhaliyay.
Axmed Madoobe oo ka qayb-galay casho sharaf loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa si faah faahsan uga hadlay qodobadii kasoo baxay shirkii maalmahaanba u socday ee ay dhowaan ku yeesheen xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inay qaateen go’aan geesinimo leh, isla-markaana talada ay dib ugu soo celiyeen gacanta dadweynaha Soomaaliyeed.
Farmaajo Oo Soo Dhaweyay
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo qoraal ah soo saaary ayaa ka falceliyay qodobadii kasoo baxay shirkii xubnaha Golaha Wadatashiga ee lagu soo xiray magaalada Muqdisho.
Farmaajo oo caddeeyay mowqifkiisa ayaa taageeray heshiiskan oo dhigaya in doorasho qof iyo cod ah ay ka dhacdo dalka, sidoo kalena uu yeeshay madaxweyne iyo ku xigeen.
Qoraalkiisa ayaa Farmaaho waxa uu ku sheegay inuu soo dhaweeynayo dhammaan go’aanadii kasoo baxay shirka, gaar ahaan arrimaha quseeya doorashooyinka.
Waxaan soo dhoweynaynaa mabaadiida guud ee lifaaqa heshiiska hoggaamiyeyaasha Golaha Wadatashiga Qaranka ay gaareen 27/5/2023, gaar ahaan arrimaha khuseeya doorashooyinka heer degmo, dowlad goboleed iyo heer federaal oo ay shacabku si toos ah u dooranayaan wakiilladooda” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweyne hore Farmaajo.
Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in dadka Soomaaliyeed ay muddo dheer sugayeen in codkooda kusoo doortaan madaxda ay rabaan, taas oo ah fursad kale oo muhiim ah.
“Muddo dheer ayaa shacabka Soomaaliyeed ay sugayeen in ay mar kale arkaan madax iyo wakiillo ay codkooda ku doorteen, oo ku salaysan nidaamka xisbiyada badan” ayuu yiri Farmaajo
Sheekh Sharif, Xasan Cali Kheyre Iyo Cumar C/rashiid
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa si adag uga horyimid war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka.
War-saxaafadeed ay si wada-jir ah usoo saareen madaxdaan ayaa waxaa lagu cadeeyay in qaar kamid ah qodobada ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaranka ay yihiin kuwa baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.
“Sidaas daraadeed waxaan soo jeedinaynaa in wax ka beddelka qoddobada dastuuriga ah ee dalka ay shaqadoodu kasoo billowdaan hay’addaha u astaysan lagana tala-geliyo bulshawaynta Soomaaliyeed.”
Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.
“In iyadoo aan si qotodheer looga baaraan-degin wax ka beddelka siyaasadeed lagu sameeyo habka awood qeybsiga iyo hanaanka dowladnimada dalka, lagana qeyb-galin dhamaan qeybaha bulshada waxa ay keeni kartaa dib u dhac kalsooni darro iyo tafaraaruq bulsho.”
Sheekh Shariif iyo madaxdaan xilalka duwan kasoo qabatay Soomaaliya ayaa waxa kale oo ay soo dhaweeyeen in dalka la gaarsiiyo hanaan doorasho qof iyo cod ah iyo xisbiyo badan, taasi oo ay aamisan yihiin inay tahay dariiqa kaliya ee dadka Soomaaliyeed ay ku heli karaan xuquuqdood kuna gudan karaan waajibaadkooda siyaasiga ah, kuna dooran karaan dadka metela, taas oo xoojinaysa dowladnimada iyo dimuqraadiyadda.
Cabdiweli Cali Gaas Oo Ka Horyimd
Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedyada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku biiray siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmihii dambe ka socday xarunta Villa Somaliaa, kaasi oo go’aano culus laga soo saaray.
Cabdiweli Gaas ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay war-murtiyeedka kasoo baxay shirkaasi, kaasi oo wax ka beddal loogu sameeyay doorashooyinka iyo nidaamka dowliga ah.
Gaas ayaa sidoo kale waxa u sheegay in war-murtiyeedka iyo heshiisyada ay gaareen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ay yihiin kuwa aan la jaan-qaadi kareyn wadciga maanta lagu jiro.
Warka ka soo yeeray Villa Somalia maaha wax la aqbali karo, mana aha wax u cuntami kara Umadda Soomaaliyeed iyo wadciga maanta lagu jiro,” ayuu ku yiri Gaas qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu soo dhigay.
Golaha ayaa baahiyey in heshiiska 犀利士 laga gaaray doorashooyinka dalka iyo nidaamka dowladeed, kaasi oo isbeddel weyn lagu sameeyey waxay ku heshiiyeen inay dalka oo dhan ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah oo ay ku tartamayaan laba xisbi qaran oo keliya
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cali Maxamed Geedi ayaa taageeray go’aankii golaha wadatashiga Qaranka ee ahaa in dalku aado doorasho qof iyo cod ah.
“Waxaan soo dhawaynayaa isla markaasna bogaadinayaa go’aannada warmurtiyeedkii ka soo baxay shirkii GWQ ee Muqdisho 26-27 Maajo 2023”. Ayuu yiri Mr Geedi.
“Halgan qaatay waqti dheer oo loo huray maskax, maal iyo muruq kaddib, waxa xaqiiqowday riyadii shacabka Soomaaliyeed uu ku haminayay in uu mar uun helo siyaasad qaran oo khadka u jeexda tartan xisbiyo iyo doorasho qof iyo cod ah ee bulshadu ay kalsooni ku siiso wakiillada iyo madaxda ay ku aaminayso masiirkeeda iyo mustaqbalkeeda”. Ayuu sii raaciyay hadal qoraal ah oo uu soo saaray.
Tan iyo markii uu Golaha Wadatashiga Qaranka uu baahiyay War-murtiyeedka shirkii u dambeeyay ee ku yeeshay Villa Somalia, ayaa waxaa xoogeysaneyay walaaca laga qabo heshiisyada ay Madaxda Golaha ku gaareen shirkaasi.
Madaxdii hore ee dalka iyo siyaasiyiin miisaan culus leh ayaa si adag uga hortimid, iyaga oo ku tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka u yaalla iyo awood qeybsiga siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed hore ugu heshiiyeen.
Sidoo kale waxay sheegeen in go’aanada kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ay khatar gelin karaan midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed, waxayna ku baaqeen in go’aanadaas masiiriga ah ee dalka laga qeyb-galiyo dhamaan dowlad-goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed