Qaar Ka Mid Ah Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Hadlay Geerida RW Hore Ee Soomaaliya

Qaar ka mid ah Madaxda Xisbiyada mucaaradka ayaa ka hadlay geeridii Alle ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr.

Hoggamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa ka tacsiyeeyay Geerida ku timid Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif Galleyr oo ku geeriyooday Magaalada Jig jiga ee Xarunta dowlad degaanka Soomaali Galbeed.

Qoraal uu soo saaray CC Shakuur ayaa waxaa uu dhammaan Ehelka iyo umadda soo maaliyeed waxaa uu uga Tacsiyeeyay Geerida Marxuumka.

Qoraalka C/raxmaan C/shakuur ayaa u qornaa sida tan:

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, asxaabta iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Allaha u raxmadee Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Prof Cali Khaliif Galayr. Prof Cali wuxuu ahaa siyaasi kulansaday aqoonta casriga ah iyo dhaqanka Soomaalida, geesi ku dhac leh oo aan aragtidiisa la gaban, waaya arag kaalin muuqata ku lahaa sooyaalka siyaasada Soomaaliya. Waxaa lagu xusuustaa loolankii uu la galay duulankii diblomaasiyadeed ee ay Itoobiya ku soo qaaday dawladii Carta ee uu Raysalwasaaraha ka ahaa.

Tartanka xilalka sare ee siyaasada meelna kama harin, madaxweyne, Guddoomiye Baarlamaan, iyo hoggaanka Khaatumo.

Allaha u naxariisto, sabar iyo iimaana Allaha ka siiyo ehelkiisa iyo ummada Soomaaliyeed. Aamiin”

Dhanka kale Maadxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada  Qaran Shariif Shiikh Axmed ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Cali Khaliif.

“Waxaan umadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Ra’iisul Wasaarihii hore Marxuum Cali Khaliif Galleyr, anigoo si gaar ah tacsi ugu diraya qoyska iyo qaraabada marxuumka.

Allaha u naxariistii Marxuum Cali Khaliif Wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii kala duwanaa ee dalka, isagoo muddo fog usoo shaqeynayay qaranka” ayuu yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed.

Leave a Reply