Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Muqdisho oo Dowladu Ay Ciidamo Soo Soo Dhoobtay

February “25” 2021

Dowladda Federaalka ayaa Ciidamo farabadan waxaa ay kusoo daadisay qaar ka mid ah waddooyinka Muqdisho, iyadoo maamlinimada berri ah la filayo in muqdisho uu ka dhaco bannaanbixii ay horay ugu dhawaaqeen Musharixiinta mucaaardka ah.

Isgooysyada qaar ayaa lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo waddooyinka lagu soo daadiyay, waxaana Ciidankani ay yihiin kuwo ka hortago rabshadaha.

Gawaari dagaal oo ay la socdaan Ciidamo aad u hubeysan ayaa lagu arkayaa waddooyinka qaar, iyadoo la sheegay in Ciidankani ay haatan isgooysyada Muqdisho gaar ahaan meelaha la filayo in bannaanbaxu uu ka dhaco ay  joogaan.

Bannaanbixii ay ku dhawaaqeen Midowga Musharixiinta ayaa waxaa la filayaa in uu dhaco Maalinimada Jimcada  ah, waxaana ay dadka shacabka ay ugu baaqeen in ay soo xaadiraan Tallada daljir daahsoon

Leave a Reply