Qaar ka mid ah xubnihii laga cabanayay ee guddiga doorashada Soomaaliya oo liiska laga saaray

6″ June ” Sunday 2021″ Muqdisho

Guddigii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u saaray xaqiijinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo mid dawlad goboleedba ayaa saacado ka hor shaaciyay in 34 xubnood laga saaray liiska guddiyada doorashooyinka.

Arrintaasi ayuu guddigu sheegay inay ku timid kaddib baaritaan dheer oo ay ku sameeyeen xubnaha laga cabanayay oo markii hore gaarayay 67 qof.

Guddiga waxa uu intaas ku daray in go’aankaasi ay gaareen kaddib markii ay wadatashi ballaaran sameeyeen ayna dhinacwalba ka eegeen xubnaha eedda loo soo jeediyay.

Xayeeysiin

Haddaba go’aanka guddiga waxaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Muqdisho ku shaaciyay wasiir ku xigeenka warfaahinta ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala: “Maalmo dedaal dheer aan bixinay wadatashi balaaran aan sameynay isticmaalnay dhamaan aalladihii aan heli karnay suurtagalka nooga dhigi lahaa in aan kala oggaano cabashooyinkii la xiriiray guddiyada saddexda qaybood ah ee hirgalinta doorashada guddiga heer federal ee Fiit guddiga xalinta khilaafaadka iyo guddiga heer mamaul goballeed ee Siit waxaa caawa noo suurta gashay in aan soo gabagabeyno kala saaristii iyo kala hubintii” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa dhanka kale waxa uu faafaahin dheeraad ah ka bixiyay waxa ay kala yihiin 34 xubnood ee ay ka saareen guddiyada doorashooyinka: “Waxaa jira sidoo kale saddex xubnood oo heer maamul goballeed ee Soomaaliland oo iyagana ay tabashooyin ka jiraan waxaana innagoo raacayna heshiiskii 27 May magaalada Muqdisho lagu saxiixay aan u gudbinay raysal wasaaraha ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha Aqalka Sare in ay tashi ka yeeshaan arrintaas sidii ay u xalin lahaayen”

Guddigaas xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee xaqiijinayay eedaha loo soo jeediyay qaar ka mid ah guddiyada doorashooyinka ee Soomaaliya ayaa markii uu natiijadiisa ku dhawaaqay kaddib waxa uu dhinacyadii soo magacaabay xubnaha ay ka saareen guddiyada ka codsadeen in muddo 48 saacadood gudahood ah ku soo magacaabaan xubnihii badalilahaa 34 taas qof ee uu guddigu soo gudbiyay

Leave a Reply