Friday ” 5″ November “2021”BBC News
Taliyaha militariga Itoobiya ayaa ugu baaqay askartii hore uga tirsanaan jirtay militariga inay dib ugu soo biiraan ciidanka, si ay ula dagaalamaan jabhadda TPLF.
Codsigan ayaa ku soo beegmaya iyadoo xoogaga fallaagada – ee ay hormuud ka tahay TPLF ay u dhaqaaqeen dhanka caasimadda Addis Ababa.
Safaaradda Mareykanka ayaa u sheegtay dhammaan muwaadiniinta Mareykanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan Itoobiya, iyadoo ay jirto xaalad amni oo aad u kacsan.
Saacado ka hor 9 kooxood oo dowladda Itoobiya ka soo horjeeda ayna ku jirto kooxda TPLF ayaa isku raacay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Dowladda ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto jabhadda TPLF.
Colaadda Itoobiya ayaa gashay sannadkii labaad, iyadoo malaayiin qof ay ku barakaceen halka in ka badan 400,000 ay qarka u saaran yihiin macluul.
Todobaadkan ayay ahayd markii madaxda dowladda ay ku dhawaaqeen xaalad deg deg ah, waxayna ugu baaqeen dadka in ay hubkooda diiwaan galiyaan oo ay u diyaar garoobaan ilaalinta goobaha ay ku sugan yihiin.
Beesha caalamka ayaa dhankooda ku baaqaya in dagaalka Itoobiya la joojiyo.
Xoghayaha Arimaha Dibada ee UK Liz Truss ayaa ku boorisay labada dhinac inay ku heshiiyaan xabad joojin iyadoo taleefoonka kula hadashay ra’iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya maanta.
Khamiistii, xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ku baaqay xabbad joojin, isagoo yiri: “Colaadda Itoobiya waa in la soo afjaraa.”
Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ku sugan Addis Ababa isagoo kulamo la yeelan doona wasiiradda dowlada.
Isbahaysiga ay maanta ku dhawaaqeen kooxaha ka soo horjeeda rai’sul wasaare abiy axmed ayaa waxay sheegeen in ay doonayaan in ay xukunka ka tuuraan rai’sul wasaaraha iyo dowladiisa ayna dhisaan maamul kumeelgaar ah.
Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa BBC-da u sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay inay ka hortagaan waxa uu ku tilmaamay xasuuqa ka dhanka ah shacabka Tigray ee uu ku eedeeyay ra’iisal wasaare Abiy Axmed.
Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay qarka u saaran tahay guul buuxda oo ka dhan TPLF, balse xooggaga Tigray ayaa maalmihii dambe u muuqday kuwo ku gacan sarreeya dagaalka.
Colaadda ka socota Waqooyiga Itoobiya ayaa billaabantay 4-tii Nofembar 2020, kadib markii uu Abiy Axmed amray ciidamada federaalka inay duullaan ku qaadaan ururka TPLF oo xoog ku qabsaday taliska waqooyi.
- Saameynta uu dagaalka Itoobiya ku yeelan karo dalalka dariska
- Mustafa Cagjar oo si adag uga hadlay xaaladda ka aloosan Itoobiya
- Wax ka ogow awoodaha milateri ee Masar iyo Itoobiya
Muddo kooban kadibna, caasimadda Tigray ee Mekelle ayaa gacanta u gashay ciidanka Itoobiya, balse bartamihii June ee sanadkan ayaa waxaa ku soo rogaal celiyay oo qabsaday xooggaga Tigray.
Dagaalka ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, waxaana beesha caalam犀利士 ka ay ka digtay in malaayiin qof ay gaajo la ildarin yihiin gudaha Itoobiya.