Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gudaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku qabtay gaari siday dhalooyin farabadan oo ah maandooriyaha qamriga.
Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda Dhame Sadiiq Adan Cali (Duudishe) oo warbaahinta kula hadlay gudaha Saldhiga Kaaraan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka ay gacanta ku dhigeen gaari nooca xamuulka qaado ah ee loo yaqaano TII AM-ka oo lagu dhex-qariyey qamri badan, kaasi oo ka yimid Gobollada Dhexe ee dalka.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka in dadkii watay qamriga ay baxsadeen, hayeeshee Ciidanka amniga ay ku raad-joogaan, isla markaana gacanta lagu soo dhigi doono, ayna hayaan xogtooda oo dhameystiran.
Sidoo kale Dhame Sadiiq Duudishe ayaa tilmaamay in shaqsigii u rarnaa gaariga lagu dhex-qariyay maandooriyaha uusan waxba kala socon, taasina ay ku ogaadeen, kadib markii ay sameeyeen baaritaano kala duwan, iyadoona qamriga la burburiyay.
Ugu dambeyn Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa waxaa uu Carabka ku dhuftay in qamriga iyo maandooriyeyaasha kale ay ka qeyb qaatan amni darrada dalka, isla markaana aan la ogolaal doonin in gudaha lasoo geliyo maandooriye