Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
15″ March “2022 ” Aljazeera
Xafiiska xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Ruushka inay xaqiijiyaan in dibad-baxe ka soo horjeeda dagaalka oo xayiray TV-ga Channel One aan lagu ciqaabin inay isticmaashay xuquuqdeeda xorriyadda hadalka.
Ravina Shamdasani, oo ah afhayeenka xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa u sheegtay shir jaraa’id oo ka dhacay Geneva in mas’uuliyiinta Ruushku ay xaqiijiyaan in haweeneydu “aysan la kulmin wax aargoosi ah oo ku saabsan adeegsiga xuquuqdeeda xorriyadda hadalka”.
Suxufigii Ruushka ahaa ee ka mudaharaaday TV-ga ayaa wajahaya 10 maalmood oo xadhig ah
Marina Ovsyannikova, oo ah Saxafiyad u dhalatay dalka Ruushka oo si toos ah TV-ga uga hadashay halku dhig ay kaga soo horjeedo duulaanka lagu qaaday dalka Ukraine, ayaa wajaheysa 10 maalmood oo xarig ah banaanbaxa.
Ovsyannikova ayaa qirtay inuusan wax dambi ah ku lahayn ku xad-gudbida sharciyada bannaanbaxa ee Ruushka, waxaana caawin doona u dhaqdhaqaaqa xuquuqda Belorussia Anton Gashinsky, kaasoo horay u difaacay saxafiyiinta Andrei Alyaksandrau, Yegor Dudnikov iyo Sofia Sapiega.
Magacaabida Gashinsky waxaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay Sergei Badamshin, oo ah mid ka mid ah difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee ugu caansan Ruushka.