Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in qorshayaasha cimiladu ee dowladaha caalamka ay yihiin kuwo aan ku filneyn in lagu xaddido heerkulka sare u kaca kulaylka dunida

26″ October “2022” AP

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qorshayaasha cimil犀利士 ada ee wadamada caalamka‘aanay bixinin damaanad qaadka sare u kaca heer kulka dunida ilaa 1.5 darjo Dheeho.com

Warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in qorshayaasha cimiladu ee dowladaha caalamka ay yihiin kuwo aan ku filneyn in lagu xaddido heerkulka sare u kaca ilaa 1.5 darajo Celsius sida ku cad heshiiskii Paris ee 2015.

Iyada oo meeraha horeba ay u haysatay duufaanno la xidhiidha cimilada, kulaylka iyo daadad iyada oo heerkulka 1.2C uu ka sarreeyo heerarkii warshadaha ka hor, khubarada cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii sheegay in dunidu ay ku guul darraysatay inay u dhaqaaqdo si degdeg ah oo ku filan xakameeynta gaaska aqalka dhirta lagu sii daayo.

“Weli ma dhowa baaxadda iyo xawliga dhimista qiiqa hawada ee loo baahan yahay si aan u wadno waddadii aan ku gaari lahayn 1.5 digrii Celsius,” Simon Stiell, xoghayaha fulinta ee isbeddelka cimilada ee Qaramada Midoobay, ayaa ku yiri hadal uu soo saaray arbacadii

“Si loo sii noolaado yoolkan, dawladaha qaranku waxay u baahan yihiin inay xoojiyaan qorshahooda waxqabadka cimilada hadda oo ay fuliyaan siddeedda sano ee soo socota

Khubarada cimilada ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in qiiqa sii hawada lagu sii daayo, marka la barbardhigo heerarkii 2010, loo baahan yahay inuu hoos uga dhaco 43 boqolkiiba ilaa 2030 si loo gaaro yoolka heshiiskii Paris.

Laakiin sida muuqata taas hada looma dhawa marka la fiirio warbixintii ugu dambeysay, Qaramada Midoobay oo ay Ku sheegtay in ballanqaadyada hadda ee dowladaha ay, dhab ahaantii, kordhin doonaan qiiqa hawada lagu sii daayo 10.6 boqolkiiba ilaa 2030ka.

Leave a Reply