5″ February ” 2022″ XIGASHO: AL JAZEERA”
Qaramada Midoobay ayaa 20,000 oo qaxoonti ah oo ka soo qaxay rabshadaha ka socda Itoobiya ku dadajisay gargaar
Rabshado ayaa ka dhacay gobolka waqooyi galbeed ee Benishangul Gumuz oo ay ku nool yihiin 70,000 oo qaxooti ah iyo 500,000 oo barakacayaal ah.
Qaramada Midoobay ayaa ku degdegaysa in ay gargaar naf-badbaadin ah siiso in ka badan 20,000 oo qaxoonti ah oo ka soo qaxay rabshado ka dhacay gobolka Benishangul Gumuz ee Itoobiya, waxayna si degdeg ah ugu baaqaysaa dhaqaale dheeraad ah iyada oo ay la daalaa dhacayso farqi weyn oo dhinaca maaliyadda ah.
“UNHCR waxa ay kala shaqaynaysaa Adeegga Qaxootiga iyo soo celinta ee dawladda Itoobiya iyo la-hawlgalayaasheeda si ay u bixiyaan gargaarka degdegga ah ee qaxootiga soo barakacay, oo ay ku jiraan cunto kulul, biyo nadiif ah, iyo daryeel caafimaad,” afhayeenka wakaaladda Boris Cheshirkov ayaa u sheegay suxufiyiinta shir jaraa’id oo joogto ah oo uu ku qabtay Geneva.
Dagaalkii ugu dambeeyay ayaa 18-kii bishii Janaayo ka dhacay magaalada Tongo ee dalka Itoobiya, waxaana lagu soo waramayaa in uu u dhaxeeyay kooxo hubeysan oo aan la aqoonsan iyo ciidamo ka tirsan dowladda federaalka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay QM. Xero u dhow oo ay ku jireen 10,300 oo qaxooti ah ayaa la bililiqaystay oo la gubay. Weerarka ayaa daba socday bililiqo loo geystay xero kale dabayaaqadii bishii December, ayay hay’addu ku dartay.
Dhammaan shaqaalaha bini’aadantinimada ayaa ku qasbanaaday inay ka guuraan, aagga oo ay ku jiraan laba xero – Tongo iyo Gure-Shembola – ayaa weli ah mid aan la geli karin, sida ay sheegtay UNHCR.
“Kadib markii rabshaduhu ay qarxeen, in ka badan 20,000 oo qaxooti ah ayaa masaafo dheer u gudbay saddex goobood oo kala duwan oo u dhow magaalada Assosa, ee caasimadda gobolka, iyagoo daalan oo u baahan gargaar,” ayuu yiri Cheshirkov.
Cheshirkov ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay sidoo kale diiwaan galisay imaatinka 70 Qaxooti Suudaani ah, oo u badan haween iyo carruur, kuwaas oo ka soo cararay xeryaha oo ku laabtay gobolka Blue Nile ee Suudaan.
Waxa uu intaa ku daray in iska horimaadyada ka dhacay Benishangul Gumuz aysan la xiriirin colaada ka taagan gobolka Tigray.
Hawsha UNHCR ee Itoobiya ayaa he犀利士 shay 9 boqolkiiba $335m ee loo baahnaa sanadka, sida ay wakaaladdu sheegtay.
XIGASHO: AL JAZEERA