Qaramada Midoobay oo ka shakisan in xiriir uu ka dhexeeyo Alshabaab iyo Waqooyiga Kuuriya

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu ku sheegay in dagaalamayaasha Alshabaab hoobiyaal ay ku tuureen horaantii sanadkan xarunta qaramada midoobay ee magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwo lagu farsameeyay wadanka Waqoyiga Kuuriya.

Illaa lix madfac ayaa lagu weeraray xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho intii u dhexeysay bilihii Febraayo iyo May ee sanadkan.

Sida ay daabacday wakaalada wararka ee Yonhap mid ka mid ah weerarada madaafiicda ah oo dhacay bishii Febraayo 17keedii ayaa lagu garaacay xerada Xalane illaa afar hoobiye balse aan qarxin.

“Labo ka mid ah madaafiicdii aan qarxin oo la helay ayaa ahaa noocoodu 60-mm HE 63 gumaca hoobiyaha lagu farsameeyo wadanka jamhuuriyada dimuqraadiga ee Kuuriya.” ayuu guddigan ku sheegay warbixintii u dambesyay ee uu daabacay taasoo la soo dhigey shabakada ay leedahay Qaramada Midoobay.

Arrintan ayaa waxaa ay muujineysaa in laga yaabo inuu jiro xiriir dhinaca hubka ah oo u dhexeeya ururka Alshabaab iyo dalka Waqoyi Kuuriya.

Dalka Waqoyiga Kuuriya ayaa hore xiriir dhinaca Milatari la lahaa dowladii hore ee Soomaaliya iyadoo dowladii Siyaad Barre ay haysatay hub faro badan oo lagu farsameeyay wadanka Kuuriyada Waqooyi

Leave a Reply