Thursday ” 9″ September ” 2021″ By Elmi Osman Farah Boodhari
Ma qof baa ka weeynaaday qarankeena oo dhan?
Tani waa su,aasha dad badani ay suurtagalka tahay in ay hortooda timid marka la eego xalada maanta ka jirta dalkeena.
iikraan Tahliil, oo ahayd 25 jir sarkaalad ah oo ka tirsaneeyd hayadda NISA, ayaa laga afduubtay meel u dhow gurigeeda Muqdisho bishii June, toddobaadkii horena way saacisay hayaddii ay u shaqaynaysay in ay qafaasheen oo dileen dagaalyahannada Al-Shabab oo si, aan horey l壯陽藥 ooga baran u soo saary diidmo halka qoyska Tahliil ay NISA ku eedeeyeen in ay dishay gabadhooda aragtidaas oo ay taageereen dad badan oo Soomaali ah oo baraha bulshada qabsaday si ay u cambaareeyaan hay’adda una dalbadaan caddaalad.
Raysilwasaare rooble oo ku soo baxay sheekadan ayaa is,hortaag kala kulay farmaajo oo uu ku eedeeyay “inaanu ogoleeyn baaritaan wax ku ool ah oo ku saabsan kiiska Ikran Tahlil Faarax”, isagoo ula jeeday wakiilkii la waayay xilli uu ka shaqeynayay waaxda amniga ee hay’adda sirdoonka.
Madaxweeynihii hore ee somalia maxamed cabdulaahi farmaajo ayaa ku qilaafay Raysilwasaare Rooble cadaalad u raadinta qoyska ay ka dhimatay ikraan tahliil faarax oo ahayd sarkaalad lagu Tuhunsan yahay in ay Dileen madaxda hayaddii ka shaqeeyneeysay ee. NISA .
Waxay kicisay Isniintii markii Rooble uu shaqada ka joojiyay Fahad Yaasiin, agaasimihii Hay’adda Sirdoonka Qaranka (NISA), isagoo sheegay inuu ku guuldareystay inuu soo gudbiyo warbixin ku saabsan kiiska mid ka mid ah wakiilladeeda oo la waayay bishii June.
Rooble ayaa u magacaabay nin kale oo lagu magacaabo Bashiir Maxamed Jaamac oo si ku meel gaar ah u ahaan doona taliyaha NISA.
Madaxweynaha ayaa tallaabada Rooble ku tilmaamay mid ka soo horjeeda dastuurka, goor dambe oo Talaadadii ahna, wuxuu u magacaabay nin saddexaad, Yaasiin Cabdullaahi Maxamed, yaasiin fareey
Rooble iyo farmaajo ayaa isku dhacay bishii Abriil markii farmaajo uu sameeystay mudo kordhin laba sano, ah taas oo laga horyyimid keentay dagaal gacan ka hadal wata oo rooble uu ku guuleeystay in uu damiyo Isaga oo ku qilaafay farmaajo mudo kordhinta
Hab,dhaqanka siyaasdeed ee Rooble ayaa soo jiitay dareenka bulshada caalamka iyo Isaga oo kalsooni uga talaabadaas dadka soomaaliyeed keel walba oo ay joogaan
XALKA ISKA HOR,IMAADYADAAS IYO XASILOONIDARII SIYAASADA OO ROOBLE KA DHIGTAY HOGAANKA SHARCIGA EE DALKU UU LEEYAHAY
Fadhi dagdag ah oo baarlamaanka dhacay ay yeesheen ayaa farmaajo uu Rooble uu wareejiyay amniga iyo abaabulka doorashooyinka uu ku guuldareeystay in uu dalka gaarsiiyo , balse hada farmaajo oo ah astaan sugaya cidii badali lahayd ayaa cariirsanaya awoodo sharci daro oo aanu xaq u lahayn
Farmaajo oo Aan Jirin Sifo Sharci oo u Xalaaleeynaya Ayaa Amaan Iyo Xil Cusub Isugu Daray Fahad Yaasiin oo uu Shaqada Ka Joojiyay Rooble
Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasimihii Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ee xilka laga qaaday Fahad Yaasiin iyo Mas’uuliyiin kale u magacaabay xilal cusub.
Farmaajo ayaa wareegtada uu soo saaray ku caddeeyay inuu aqbalay Istaqaalo uu u soo gudbiyay Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin ee uu xilka qaadista ku sameeyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin u magacaabay inuu noqdo taliyihiisa dhinaca Amniga, halka Taliyaha NISA si KMG ah uu ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir,
Hayaddihii Qaranka Oo Kula Qaybsamay Farmaajo & Rooble
Warbaahinta qaranka oo ugu horeeyo Telefashinka SNTV ayaa laga joojiyay baahinta Wararka ee lidka ku ah dadalada Raysilwasaare rooble oo beesha caalamku ugu hambalyeeysay kaalintii uu ka cayaaray horey u sii wadista in dalku aado doorasho laysla ogolyahay waxayna tani keentay daqiiqado ka dib bogga tvga qaranka laga saaro magacaabistii Fahad yaasiin ee uu farmaajo soo saaray
Ra’iisulwasaare rooble oo markii ugu horeeysay farmaajo ku eedeeyay In uu wado talaabooyin lid ku ah ka gungaarista kiiska ikraan tahliil
Isaga oo bartiisa soo dhigay qoraal kooban ayaa Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu faray Agaasimaha KMG ah ee NISA Sarreeya Guud Bashiir Maxed Jaamac in uu si deg deg ah u bilaabo shaqadiisa, wuxuuna ku eedeeyay farmaajo in uu wali daba socdo Masuuliyadihii Doorashooyinka iyo Amniga ee uu ku wareejiyay mar hore.
Waxaa kale oo uu Ra’iisulwasaaruhu muujiyay in uu ka walaacsanyahay talaabooyinka uu qaaday farmaajo oo uu yiri waxa ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax oo horay hay’adaha Cadaaladda iyo sharciga looga hor-istaagay in ay baaris buuxda ku sameeyaan Kiiskaas.
Ra’iisulwasaaruhu wuxuu u arkaa wax laga xumaado in Xuquuqda Muwaadin Soomalaiyeed la siyaasadeeyo taas oo ah dhaqan halis ku ah hannaanka dowladeed ee Dalka waana in ay ka waantawdo cid kasta oo ku fikiraysa arrinkaas.
Ra’iisulwasaarahu wuxuu markale ku adkaynayaa Xeer-ilaalinta iyo Maxkmadda Ciidammada Qalabka Sida in ay dardargaliyaan hawlaha Baarista kiiska Ikraam Tahliil Faarax deg degna u hor geeyaan maxkamadda awoodda u leh.
Hadaba waa maxay sababta farmaajo ku riixaysa in qarankii uu 4 ta sano soo hogaaminyay, ilaalinta xuquuqda mudaawinka soomaaliyeed ,hayaankii qori isu dhibka dowladnimada soomaali ee soo biloowday burburkii ka dib qayla,dhaanta aqoonyahanka ee ku aadan in aaney iman dib u dhac laga maarmi karo intaba in uu ka doorbiday ilaalinta sharafta qof raad soo galay kaas ooy muuqato in uu kala weeynaaday qarankii dhamaa ?
Waa Socotaa waxaad hayso nagu biiri Webmaster Dheeho Elmi Osman Farah Boodhari