5″ November 2022″ Muqdisho
Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxeya Qarax ay ku dhinteen 10 qof oo caawa ka dhacay albaabka hore xero ciidan oo ku taal Muqdisho ayaa sheegaya in dadka dhintay ay u badan yihiin Dhallinyaro dooneeysay in ay qortaan Askarnimo,
Qof isku soo xiray jaakad waxyaabaha qarx ah ayaa isku dhex-qarxiyey dhallinyaro farabadan oo safaf dheer ugu jiray qorista Askarnimo, iyagoona ku sugnaa albaabka xerada tabbabarka, jugta ayaana inta badan laga maqlay Muqdisho.
Sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Dowladda qof isku soo xiray wax yaabaha qarxa ayaa isku qarxiyay Albaabka hore ee Xiro nacnac.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxii dhacay, waxaana si hordhac ah loo xaqiijiyay inay ku dhinteen dad dhow 10 qof oo Askar iyo dad shacab ah isugu jiray, halka dad dhaawacmay loo qaaday qaar kamid ah isbitaalada.
Laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa Caawa ka dhacay xerada tabbabarka Ciidanka Xoogga dalka, ee ku taalla degmada Wadaji ee Gobolka Banaadir.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo is-miidaamin ah la beegsaday xerada nac-naca oo lagu tabbabaro Ciidanka Xoogga, sidoo kalena lagu qoro dhallinyarada dooneysa inay ku biiraan Ciidanka dowladda Federaalka.