Wararka ka imaanaya Dalka Itoobiya ayaa ku warramaya in Qarax Xooggani uu ka dhacay Dalkaasi gaar ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Adis-ababa, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan Qaraxaasi.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa uu ka dhacay Buundo ku taalla Magaalada Caasiamdda ah ee Addis-Ababa, waxaana la sheegay in uu ku dhaawacmay hal qof oo shacab ah.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxaa uu ka dhacay Buundo ku taalla Magaalada Caasiamdda ah ee Addis-Ababa, waxaana la sheegay in uu ku dhaawacmay hal qof oo shacab ah.
Sarkaal la hadlay Wakaaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijiyay in qaraxu uu ka dhacay Buundo ku taalla Bartamaha Addis-ababa, waxaana Sarkaalka warbaahinta la hadlay uu ka tirsan yahay Ciidamada Booliska Itoobiya.
ma jiraan faah faahinno dheeraad ah oo qaraxaasi laga bixiyay, waxaana Sarkaalka la hadlay Reuters uu sheegay in Khasare kale uusan jirin, mana sheegin waxa sababay qaraxa iyo Cidda ka dambeysay.
Dalka Itoobiya ayaa waxaa ka taagan dagaal u dhexeeya Dowladda Federaalka Itoobiya iyo Qowmiyadda Tigreega, waxaana ra’iisul Wasaaraha dalkaasi uu ku dhawaqay dagaal ka dhan ah TPLF