17″ July “2022
Wararka aan ka heleyno Magaalada Jowhar ee Caasimadda dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas dhowr daqiiqo kahor uu ka dhacay xoogan oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafaddaha kala duwan ee Magaalada.
Qar壯陽藥 axa ayaa waxaa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo lagu weeraray Hotel lagu magacaabo Nuur Doob oo ku yaalla Magaalada Jowhar, waxaana jugta qaraxa dib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidamo
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Hotelka ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo dad shacab ah, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, burbur hantiyadeed, sida lagu arkay muuqaalo.
Qaraxa oo ahaa mid aad u xoog badan ayaa dhulka dhigay hotelka la weeraray ee Nuur Doob iyo hoteelo kale oo ku dhegan, waxaa sidoo kale qaraxa uu waxyeelo gaarsiiyay goobo badan oo magaalada katirsan.
Hotelka la qarxiyay ayaa la tilmaamay in ay degan yihiin inta badana ka cunteeyaan mas’uuliyiin katirsan maamulka Hirshabeelle iyo siyaasiyiin, walina si dhab ah looma oga khasaaraha qaraxan ka dhashay inta uu dhan yahay.