Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaar ka u ah Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu soo warramayaa in uu ka dhacay qarax khasaare kala duwan gaystay.
Wararku waxaa ay sheegayaan in qaraxu uu ka dhacay Xarunta Maamulka Degmada iyo Masaajidka Jaamaca ee Kismaayo, waxaana qaraxa fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa.
Jugta qaraxa ayaa laga maqlay xaafada ay ka kooban tahay Magaalada Kismaayo, waxaana xiliga uu qaraxu dhacayay Masaajidka ku tukanayay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland.
Guddoomiyaha Rugta ganacsiga Jubbland Shaafi Raabi Kaahin ayaa lasoo weriyay inuu kamid ahaa mas’uuliyiinta ku jiray Masaajidka, waxaana soo gaaray dhaawac Culus, iyadoona loola cararay Xarun Caafimaad
Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah eek a dhashay qaraxaas ismiidaaminta ah, balse waxaa lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare ka dhashay.
Qof naftii halige ah oo xirnaa jaakadaha qarxa ayaa isku qarxiyay bannaanka masaajidka Qadiim ee magaalada Kismaayo, wax yar kaddib markii laga soo baxay salaadii jimcaha.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in Guddoomiye Shaafi uu u geeriyooday dhaawicii ka soo gaaray qaraxa.
Ugu yarana saddex ruux oo uu ku jiro ninkii is qarxiyay ayaa ku geeriyootay, shan kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida ay dad goobjoogayaal ay xaqiijiyeen.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay Kismaayo, Al-Shabaab ayaa u muuqda inay bedeleen tabtii qaraxyada oo ay adeegsan jireen baabuurta, balse waxaa dhowaanahan soo kordhay qof lagu soo xiro waxyaabaha qarxa oo keligiis duule ah oo isku qarxiya goobaha ciidanka iyo dadka rayidka u badan yihiin.