Qarax ka dhacay degmada Kaxda oo la soo weriyay khasaarraha ka dhashay

30-June-2024

Ugu yaraan afar askari oo boolis milataariyo ah ayaa ku dhaawacmay qarax wadada dhinaceeda la dhigay oo lala eegtay gaari kuwa booliska ah oo marayay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho, sida uu BBC-da u sheegay gudoomiyaha degmada Cabdillaahi Sheekh Cabdiraxmaan.

Halka uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd waddo ku taala waaxda koowaad ee degmada.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa.

Qaraxyada noocan ah ee la dhigo hareerraha wadooyinka, waxa badanaaba sheegta kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply