AF,hayeen boolis oo ka hadlay Qaraxii ka dhacay Ex Control Afgooye

5″ Jun ” Saturday ” 2021″ Muqdish

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax goor dhow ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid weyn ayaa la sheegay inuu ka dhacay Ex Control Afgooye.

Dadka ku dhaqan deegaanka ayaa sheegay inay maqleen jug culus oo qaraxa ah, kaddibna ay arkeen dad goobta laga qaadayo.

Ilaa iyo hadda siddeed qof ayaa la sheegay inay qaraxaas ku dhaawacmeen waxaana qaarkood loo qaaday isbitaalka weyn ee Madiina.

Qaraxan ayaana la sheegay inuu ahaa miino dhulka la geliyay iyadoo aysan wali wax faahfaahin ah ka bixin taliska  police ka soomaaliyeed

Dowlada oo ka hadashay qarax maanta ka dhacay Muqdisho

Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho isagoo qaraxaasi ahaa mid laga maqlay degmooyin badan oo  ka mid ah magaalada Muqdisho

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan ( Duudishe) ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye uu ahaa mid ka dhashay qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Afhayeenka oo Warhaabinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in Goobta la qarxiyay ay aheyd meel mashquul badan, balse ay qaraxa ku dhinteen laba ruux oo uu kujro ismiidaamiyihii iyo Haweeney Shacab ah.

Sidoo kale afhayeenka ayaa xusay in dad ku dhow soddon ruux oo rayid ay halkaas ku dhaawacmeen. Hase yeeshee wararka qaar ayaa sheegaya in illaa lix ruux ay ku dhinteen qaraxan ismiidaaminta ah.

Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxa ay ku waxyeeloobeen dadka Shacabka ah e ka dhacay agagaarka Ex-koontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply