Qarax kale oo lagu hoobtay oo SHACAB lala eegtay

3-Aug-2024″ Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax miino oo khasaare xoogleh gaystay uu ka dhacay deegaanka Gololeey oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaasi.

Qaraxa ayaa haleeyay gaari ay la socdeen dad shacab ah oo ka yimid magaalada Jowhar, kuna soo jeeday Muqdisho, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxan ay ku dhinteen ugu yaraan illaa 7 qof, waxaana ka badbaaday hal qof kale, sida ay ku warrameen ilo wareedyadu.

Sidoo kale waxaa gubtay oo gebi ahaan basbeelay gaariga la qarxiyay, taas oo keentay in maydadka qaar la kala garan waayay maadaama ay gubteen

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle iyo kan degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi lagu xasuuqay shacabka la socday gaariga la qarxiyay.

Waddadda xiriirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa marar badan sidaan oo kale uga dhacay qaraxyo la geliyay waddada, ayna ku dhinteen dad ku safrayay halkaasi, waxaana badanaa weeraradaas ka dambeysa kooxda Al-Shabaab.

Qaraxan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xalay weerar lagu dhammaaday uu ka dhacay xeebta Liido, kaas oo lagu xasuuqay shacab ku sugnaa xeebta, kadib markii xubno ka tirsan Shabaab ay beegsadeen halkaasi oo ay ku yaallaan hoteello iyo goobo muhiim ah.