Qaraxii Maqaayada Gelato” Qorshe Dhicisoobay ” warbixn

28,November 2020,

Dib U Dheeho

MA KU FILANTAHAY ?

Ma ku filan tahay Cambareeyn ,Baroor diiq iyo Aasid in ay noqoto doorka loo baahan yahay marka ay Timaado masiibo la mid ah tii ka dhacday Maqaayada Gelato Devino ?

Ma loo baahan yahay kaalin intaas ka balaaran oo lagu heli karo raadka qorashaha Masiibada cidii soo maleegtay iyo halka uu ku wajahanaa?

Hadii ay jawaabtu haa tahay ” waxaa lagama maarmaan ah in maskaxda lagu qabto qorshaha qaraxa in uu ahaa mid ka qoto dheer maqaayad jalaato iyo dhalinyaro xaafadeed .

Ma,ahan wax si,sahal ah ku iman karay in ay dhacdo nin qarax la lugeeyanaya in uu soo gaaro meel ku dhaw barta baaritaanka 1 aad ee garoonka diyaaradaha aadan cade isaga oo aan garab ka helin masuuliyada cid kale oo la riixda meel,marinta ujeedadiisa guracan .

SOMALIA MA JIRTAA BAARITAAN MADAX BANAAN ?

Qaraxa ayaa ka dhacay meel aan ka dheereeyn Hoyga shiiq ahariif shiiq axmed uu ka dagan yahay muqdisho xili ay guriga shiiq shariif ka socoto xaflad casho sharaf ooy ka qaybgalayeen musharaxiin, xildhibaano iyo masuuliyiin kala duwan, ka dib markii shir ugu soo dhamaaday hoteelka jaziira.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxa uu ku soo beegmay 48 saac iyada oo aaney ka soo wareegin markii ay hajabaadi ka soo yeertay gudoomiye cumar finish.

Inkastoo ay u arkeen hanjabaadaas in ay tahay mid meel ka dhaca ah oo aaney mudneeyn muwaadiniin si nabad ah uga shiraya dalkooda Ismarkaasna ka arinsanaya waxyaabo ay sharci ahaan dhaliilsan yihiin tiiyoo xubnaha shirka ay ka mid yihiin madaxweynayaal, Raysilwasaare , wasiiro ,xildhibaano iyo gudoomiyaasha labada aqal oo dhamaantood dalka u soo shaqeeyay xili adag .

Intaas marka la,isu geeyo oo lagu daro eedaha qaraxii Gelato ka hor loo jeedinayay taliyaha Nabadsugida qaranka fahad yaasiin, ma ,ahan dhacdadan mid LA dhihi karo waxa ay Ku dhacday si lama filan ah mana aha mid meel soke looga soo hari karo waxaa suurtagal ah in qota,dheerida qaraxii Maqaayada Gelato Devino uu noqday Qorsha dhicisoobay .

W Q” ELMI OSMAN FARAH ( BOODHARI )

TAFATIRAHA DHEEHO.COM

Leave a Reply