9- Nov-2023
Qaraxyo ka dhacay goobo ganacsi oo ay leedahay Shirka Isgaarsiinta Hormuud.
Xalay fiidkii hore waxaaa Bam gacmeed lagu tuurey BTS ay Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom kuna leedahay deegaanka Muusaaley ee Ceelasha Biyaha,Inta la ogyahay ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan.
Weerarkan ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib qarax noociisa lagu sheegay Miino jidka lagu aasay oo habeen hore ka dhacay kasoo horjeedka laan ay shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xero Jarmalka.
Inta la xaqiijiyey ma jiraan wax khasaaro nafeed ah uu sababay qaraxaasi,waxaase burbur xoogan uu soo gaaray dhismaha xarunta,Dadka deegaanka ayaa si weyn ugu tiirsanaa adeegga xaruntaas ay bixiso.
Lama oga sababta loo beegsaday goobahaas ganacsi, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan iyo dad loo soo xirey falalkaas.