Qaraxyo sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Degmada Maxaas

4″ January “2023

Khasaaraha ka dhashay kharaxyadii ka dhacay magaalada Maxaas oo Isi soo tarayaaya ayaa sheegaya in ugu yaraan ay ku dhinteen 20 qof tiro intaas ka badana ay dhaawacmeen Faahfaahnta warkaan waxaad ugu tageeysaa Dheeho.com

Waxaa saaka aan ku soo toosay laba qarax oo waaweyn,” Axmed Nuur, oo ka mid ah odayaasha deegaanka ayaa u sheegay Reuters. “Waxaan aragnay guryo badan oo dhulka la la simay. Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay oo ay ku jiraan rayid, askar iyo dagaalyahannada Macawisley [maleeshiyada]

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane oo la hadlay idaacadda dowladda ayaa sheegay in mid ka mid ah bam lagu weeraray gurigiisa, halka midka kalena uu ku dhacay guriga xildhibaan ka tirsan dowladda federaalka.

Al-shabaab ayaa waxaa soo wajahay cadaadis tan iyo bishii Ogosto ee la soo dhaafay markaasoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu qaaday weerar milateri wax yar kaddib markii uu xilka la wareegay.

“Argagixisadu, markii [la jabiyay], waxay bilaabeen inay si ba’an u beegsadaan rayidka, laakiin tani kama joojinayso rabitaanka dadka ee ah inay sii wadaan jabinta,” Cismaan Nuur, oo ah taliyaha booliiska degmada Maxaas, ayaa u sheegay AFP.

Inkastoo uu weerarka dhacay, Al-Shabaab ayaa weli ku sii xoogeysanaya dhul ballaaran oo ku yaalla miyiga bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, waxaana ay ka fulisaa weeraro joogto ah, oo ay ku jiraan dhowr weerar oo ka dhacay caasimadda Muqdisho oo lala beegsaday xarumaha dowladda iyo hoteellada.

Oktoobar 29-keedii, 116 qof ayaa ku dhintay caasimadda laba qarax oo baabuur oo ka dhacay wasaaradda waxbarashada, siddeed qof oo rayid ah ayaa ku dhintay hoteel 21 saacadood socday 27-kii November.

Dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab ayaa sidoo kale xaddiday gaarsiinta gargaarka caalamiga ah, taasoo sii xoojisay saameynta abaartii Geeska Afrika ee ugu darneyd muddo afartan sano ah.

Cunto yari ba’an ayaa sababtay in qeybo badan oo ka mid ah dalka ay halis ugu jiraan macluul bilaha soo socda, sida ay sheegeen QM iyo khubaro kale.

In ka badan 8 milyan oo qof ayaa wajahaya “heerka baahi aan horay loo arag” ka dib shan xilli roobaad oo isdaba-joog ah oo fashilmay oo ay weheliso qiimaha cuntada oo sarreeya sababtoo ah khalkhalka saadka ee uu sababay dagaalka Ruushku kula jiro Ukraine

Leave a Reply